Meydkiisa Ayaa laga helay, Beer kutaala Galbeedka Tog-wajaale Isagoo Waraabe Kala Baxey Ubucda Jidhkiisa

0
Thursday December 19, 2019 - 11:47:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydkiisa Ayaa laga helay, Beer kutaala Galbeedka Tog-wajaale Isagoo Waraabe Kala Baxey Ubucda Jidhkiisa

    Wajaale(HWN)- Waalidka Dhaley Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wajaale(HWN)- Waalidka Dhaley Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir,
ayaa baadi goobayay shantii Maalmood ee u Dambeeyay  Kadib Markii Sida loo Badinayo Sabtidii Toddobaadkan Xabadi kaga dhacdey Dhabarka Waxaana Saaka Subaxdii horre Meydkiisa laga helay Beer Dhinaca Galbeed ee Magaalada Tog-wajaale kutaala, Waxaana la helay isagoo Waraabe kala baxey Ubucda jidhkiisa.

 

Guud ahaanba Shacabka Tog-wajaale ayey argagax ku Noqotey Ku noqotey Sida dhacdada Marxuumkani u Dhintey, Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir, oo Da,diisu aheyd 27 jir ku dhashey Magaalada Tog-wajaale ilaa iyo hadda lama garanayo Sababta loo Qariyay Meydkiisa, Waxaana Saaka Markii u Dambeysay Meydkiisa heshay Hooyadii oo Baadigoobkiisa ku jirtey Shan Caana-maal, Kadib Markii ay Tilmaan ka bixiyeen laba Wiil oo la Socdey Goobtii isugu Dambeysay Marxuumka Markaas oo Ciidamada Booliska Tog-wajaale Rasaas ku rideen Waana Rasaasta Marxuumka Dishey.

 

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley iyo Taliyaha Qeybta Booliska ayaa dhacdadan u Gaadhey Magaalada Tog-Wajaale iyagoo kulano Xasaasi ah la Qaatey Maamulka iyo Masuuliyiinta amaanka ee Magaalada Tog-Wajaale, iyadoo Wali Meydka Marxuumku yaalo Saldhiga Booliska Tog-Wajaale

 


Loading...
Loading...