3 Xisbi Mise 3 Nin!?

0
Thursday December 19, 2019 - 08:16:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Xisbi Mise 3 Nin!?

    Asalka dimuqradiyada (democracy) waxa lasheegaa iney katimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalka dimuqradiyada (democracy) waxa lasheegaa iney katimid
dalka Giriiga (Greece/Griechenland) waana fikir  yimid kadib markuu aadanuhu kadaalay caddaadiska nidaamka boqortooyo ee Xiligaa, kaasoo kudhisnaa xoog iyo cabudhin ay boqortooyadu kuhayso shicibka intiisa kale.



Ka somaliland ahaan markaad maqasho 3 xisbi qaran magacyadooda waxaa markiiba maskaxdaada kusoodhacaya gudoomiyayaasha  xisbiyada sawiradooda sida  Faysal, cabdiraxman ama biixi ujeedka xisbiga loo aasaaso waa sixida xukuumada markaa talada haysa iyo saaxad lagusoobandhigo afkaarta kaladuwan ee bulshadu aaminsantahay, Xaqiiqdii waxaanu u isticmaalnaa caqsiga.


bulshada reer somaliland waxaad modaa inay  is kaga khaldameen  gudoomiye xisbi iyo caaqilka beesha afhayeen xisbi iyo afmiishaarka reerka waana nasiib xumo inteeda leeg.


Somaliland 20 sano ee ugu danbeysay waxa lagafuray ja ama cadi tirro beelay lkn heerka aqoontoodu ay tahay mid  aad uhooseysa taas iyo dhibaatada shaqo yaraanta dalka kajirta waxay dhalinyaradii kuqasabtay inay qabyalada la istaagan albaabwalba baraha bulshadu ku kulanto iyo fagarayaasha iyagoo si’aan xishood lahayd udifaacaya hadba ka udhow xaga  abtirsiinta halkii lagadoonayey  in ladifaaco hadba kasaxan xaqana kutaagan.


Waxba yaanu qalinku iladurkin qoraalkuna ilafogaan si fariintaydani aanay unoqon mid macna beesha akhristuhuna aanu unoqon mid daala dhalinyaro aynu noqono bulsho caqliga iyo cilmigu hagaan yeynaan noqon bulsho qabiilku hago.

 

Wabillhi towfiiiq

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...