Shir Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Switzerland iyo Go.aamo Adag Oo Kasoo Baxay

0
Thursday December 19, 2019 - 08:09:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Switzerland iyo Go.aamo Adag Oo Kasoo Baxay

    Shir Si Teleconference Sadexdii Maalmood Ee Ugu Dambeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Si Teleconference Sadexdii Maalmood Ee Ugu Dambeeyey
Ay Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo  Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska Switzerland  Oo Kaga Arinsanayeen Xaalada Xisbiga Kulmiye Oo Aad Moodo  in Siyaasiga Maxamuud Xaashi Ololihiisii Usoo Raray  Dalka Debediisa  Gaar Ahaana Dalalka Kor Ku Xusan 



Islamarkaana Ay Nasoo Gaadhaya Wargelin  iyo Dad Olole Wada Kuwaas Oo Halku Dhigoodu Yahay Waxa Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska Switzerland Imanaya Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi  Waxa Ujeedka Kulankiisuna Yahay inuu La Kulmo Qurbe Joogta  Dhalinyarada U Badan Ee Beelaha H/jeclo Guud Ahaan Marka Hore  Marka Labaad Wuxu Doonayaa inuu Kulan Hoosaad Gaar Ah La Qaato Beesha Cumar Jibriil  iyo Beesha Muuse Abokor Oo Isagu Kadhashay    Hadaba Markii Aanu Aragnay Sida Wax Loo Wado Iyo in Damacii Xisbiga Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi Cabdi Loosoo Raray Debeda  Waxay Qurbe Joogta Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo  Sadexda Wadan Ee Kor Ku Xusani  Yeesheen Shir Degdeg ah Waxana Kasoo Baxay


Go.aankan  Hoos Ku Qoran

(1)  Beesha Cumar Jibriil H/jeclo  Waxa Ka Go.an Ilaalinta iyo Jirtaanka Madaxbanaanida Jamhuuriyada  Somaliland

(2)  Waxa Qurbe Jooga  Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Waxay Xisbiyada Somaliland U Arkaan  Hayaddo Qaranku Leeyahay Oo Aan Noqon Karin Dukaamo Beelo Leeyihiin  Waxayna Qurbe Jooga  Beeshu Cod Dheer Beelaha Somaliland Ugu Sheegaysaa in  Xisbiyada Laga Daayo Qabyaalada

(3) Qurbe Jooga  Beesha Cumar Jibriil H/jeclo  Waxay Ugu  Baaqayaan in Raga Damaca Ka Leh Xisbiga Kulmiye inay  Damacooda Xisbiga Kulmiye Ka Dhexraadsadaan Ee Aanay Shacabka Iyo Social media Laga Dhexraadin Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye

(4)   Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee Kusugan Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska Switzerland  Waxay Cadaynayaan in Aanay jiridoodin  Kulan Hoosaad Ama Kulan  Gaar Ah Oo Ay La Yeelan Doonaan Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi  Ayna Ula Simanyihiin Beelaha H/jeclo Weyn Mana Garan Karo Sabab Uu Beelweynta Cumar Jibriil Ee Ee H/jeclo   Maxamuud Xaashi Cabdi  Ugu Lamaaniyo Beeshiisa Haduu Rabo inuu La Kulmo

(5) Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Waxay Cadaynayaan in Raga Damaca Ka Leh Xisbiga Kulmiye U Simayihiin Oo Nina  Gaar Ugu Xisaabtamin

(6) Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Waxay Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Uga Digayaan In Xisbiga Hagbad Laga Dhigo Taas Oo Halis Gelin karta Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland

(7) Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo  Waxay Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaradka ah Ugu Baaqaysaa Inay Labada Dhinacba Tanaasul Dheeraad ah Ka Sameeyaan Arimaha Khilaafka Ku Taaganahay Ee Qabsoomida Doorashooyinka Dalka iyo iyo Kommishanka Qaranka  Si Dalku Hore Ugu Socdo

(8) Waxa Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Ku Baaqayaan inay Shir  Isugu Yimaadaan Magiciisa Layidhaado (Samatalis) Beelaha Walaalaha Ah Ee Kala Ah

Maxamed Sheekh Isaxaaq (Cimraan)

Ibraahim Sheekh Isaxaaq  (sabuur)

Daa'uud Muuse Sheekh Isaxaaq (Reer Dood)

Cumar Jibriil

Samane Abokor


Shirkaas Oo Lagu Badbaadiyo Midimada Beelaha H /jeclo iyo In Aan Magaca Beelaha  H/jeclo Lagu Hanadadin Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye Waxa Kale Shirkan Lagu Diidayaa in  Hagbad Cusub Dad Gaar Ahi Wato  Laynagu Duldhiso 


(9) Qurbe Jooga Beesha Cumar Jibriil Ee H/jeclo Waxay U Taagantahayhj Ilaalinta Qaranimada  Jamhuuriyada Somaliland

Ilaalin Midnimada Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq iyo Beelaha H/jeclo

Magacyada  Qurbe Joogta Beesha Cumar Jibriil H/jeclo




Wabilahi Tawfiiq

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...