Xabsiga Dhexe Soomaaliya: Maxabuus Isbitaal "Xoog Looga Saaray" Oo Geeriyooday

0
Thursday December 19, 2019 - 07:46:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabsiga Dhexe Soomaaliya: Maxabuus Isbitaal "Xoog Looga Saaray" Oo Geeriyooday

    Waxaa shaqada laga joojiyay sarkaal ka tirsan ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shaqada laga joojiyay sarkaal ka tirsan ciidamada
Asluubta Soomaaliya ka dib markii lagu eedeeyay in uu bukaan xanuunsanaa uu si khasab ah uga saaray isbitaalka, ninkaas oo ahaa maxbuus.



Ciidamada Asluubta ayaa guddi baaritaan u saaray dhacdadaas, "waxaana shaqada laga joojiyay taliyaha lagu eedeeyay arrintaas" inta uu baaritaankaas socdo.


Afhayeenka Ciidamada Asluubta, Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, ayaa BBC Somali u sheegay: "Taliyihii xabsiga, inta uu baaritaanka socdo, shaqadii waa laga joojiyay, dhaqkhtarkiina shaqada waalaga joojiyay".


"Taliye ku meel gaar ah ayaa loo magacaabay Xabsiga Dhexe. Afhayeenka ayaa rajeynayo in "si wanaagsan ay ku dhamaato arrintan".


Tan iyo shalay waxaa aad usii baahayay muuqaal baraha bulshada lagu baahiyey oo muujinayey nin la sheegay inuu ahaa "maxbuus", oo qofkii muuqaalka ka duubayey uu sheegay in "si khasab ah looga saaray isbitaal uu ku jiray oo lagu daweynayey", xaaladiisuna ay halis tahay haddii halkaas laga saaro, intaa ka dibna waxaa soo baxday in ninkii uu "geeriyooday".


Haddaba ehellada ninkaas ayaa ku eedeeyey Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile) oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho "inuu toos ugu lug lahaa in ninkaas si khasab ah looga saaro" isbitaalkii uu ku jiray.


Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf oo ah afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa ka hadlay sida uu ninkaas maxbuus ahaa ee xanuunsanaa uu ku geeriyooday.


Wuxuu sheegay: ''Markii hore maxaabuuska waxaa la geeyay isbitaal gaar loo leeyahay, ka dibna waa laga soo saaray oo waxaa la geeyay isbitaal ay dowladda leedahay, halkaas ayuuna ku geeriyooday."


"Sababta looga soo saaray isbitaalkii uu ku jiray waxay ahayd in aanu sharciga ciidamada asluubta ogolayn in isbitaal aanay dowladdu lahayn la geeyo maxaabiista'', ayuu hadalka ku daray.


''Maanta ayay ciidamada asluubta magacaabeen guddi baaritaan ku sameeyo dhacdhadan, baritoonkooda ayaanna ka war sugeynaa'', ayuu yiri afhayeenka ciidamada Asluubta.


Sida ay Saraakiisha ciidamada Asluubta xaqiijiyeen, weli lalama xiriirin qoyska uu ninkaas ka dhintay. Balse waxay sheegeen in ay ka tacsiyeynayaa arrintaas ayna ka xun yihiin wixii dhacay.


Nabadoon Maxamed Axmed Raage oo BBC Somali u sheegay inuu adeer ugu aaddan yahay marxuumka ayaa sheegay in isagoo booqashao ugu tagay isbitaalka uu la kulmay dhacdadaas.


''Anigoo la joogo waxaa isbitlaalka yimid Janaraal Xirsiile oo gaarigiisa wata, markuu yimid wuxuu bilaabay inuu jar-jaro faleebooyinkii iyo dawooyinkii ku xirnaa bukaanka ka dibna gaarigiisii buu saartay''.


Laakiin Sida la sheegay askarigii u xil saarnaa maxabuuska ayaa isku dayay inuu ka celiyo isagoo Janaraaka u sheegay inuu isaga ilaaladiisa u xil saaran yahay uuna mas'uuliyadda maxabuuska qaadayo.


''Maxabuuskaas isbitaalka waxaa loo keenay xanuun welina ma caafimaadin, haddii la bixiyana naftiisu halis ayay galeysaa oo waa uu dhimanayaa'', sidaasi waxaa Janaraalka u sheegay askarigii la sheegay in uu ilaalada u ahaa maxabuuska ee ka dhex muuqday muuqaalka la baahiyay.


Nabadoon Maxamed Axmed ayaa sheegay in Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile) "uu diiday" hadalkii uu askariga u sheegay ee ahaa in "maxabuuska aan isbitaalka laga saarin", ka dibna waxaa dhacday buu yiri, "in marxuumka uu geeyay isbitaal kale oo aan dawo yaalin oo la yirahdo Martini ka dibna uu isaga tagay".


''Markaas ka dib inaga ayaa tagnay isbitaalka martini, waxaanna ka soo qaadnay ninkii maxbuuska ahaa oo geeriyooday. Waxaan ku soo celinay isbitaalkii hore ee uu ku jiray, illaa iyo hadda wuxuu yaallaa qolka meydka lagu keydiyo'', ayuu yiri.


Xasan Kurtun Calasoow oo ahaa bukaanka maxbuuska ahaa, waxaa la sheegay inuu qabay xanuunka dhiig-karka oo sidaa darteed loo geeyay isbitaalka.


Qaraabadiisa waxay kju doodayaa in bukaanka uu qabay xanuun ay ahayd in loo daayo halkii lagu daweynayay maadaama ay xaaladdiisa "halis geli kartay".


Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, Afhayeenka ciidamada Asluubta oo BBC Somali ay weydiisay su'aashaas iyo haddii ninkaas loo deynkaray halkii lagu daweynayay ayaa yiri "Su'aashaas horta haba i weydiin".


"Aniga ma difaacayo arrintan (laakiin) waxaan u difaacayaa hab dowladeed. Nidhaamka dowladdu iyo nidhaamka xabsiga siyaasadiisa, midna in dad la dhibaateeyo... ama caafimaadkooda la xumeeyo kuma jirto," ayuu yiri.


Wuxuu intaa ku daray: "haddii farsamada ah isbitaalkan hala geeyo ama kan hala geeyo ay qaldantay, waa wax hadda baritaankeeda lagu jiro, marka adiga baaritaanka sug. Aniga baaritaanka ka hor dhicimayo. wixii qaldan guddigaa soo saari doona".


Qoyska Xasan Kurtun ayaa "weli diidan in la aaso meydka wiilkooda" iyagoo dalbanaya in "sharciga la horkeeno" Taliyaha xabsiga dhexe Janaraal Maxamed Sheekh Xirsiile.


Waxay sheegeen in kiiskan ay maxkamadda u gudbiyeen balse weli aysan jirin cid loo soo qabtay dhimashada marxuum Xasan Kurtun Calasoow, waxayna ku adkeysanayaan in aan la aasi doonin meydka ilaa iyo inta ay caddaalad ka helayaan.

 

BBC

 

Loading...
Loading...