Golaha Deegaanka Ee Laascaanood Oo Diiddan Ceelka Biyaha Looga soo jiidaayo

0
Thursday December 19, 2019 - 01:15:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deegaanka Ee Laascaanood Oo Diiddan Ceelka Biyaha Looga soo jiidaayo

    Golaha Deegaanka Ee Laascaanood Oo Ku Muransan Ceelka Biyaha Looga soo jiidaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Deegaanka Ee Laascaanood Oo Ku Muransan Ceelka Biyaha Looga soo jiidaayo
Hargaysa(HWN):-Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa ka hor-yimid biyo-gelin la doonnaayo in laga sameeyo Magaalada Laascaanood, iyaddoo Xildhibaannada qaarkood ay ku dooddayaan inaan Ceelkan Biyaha laga soo jiiddayaa aannu ku habboonayn.


Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadda la siiyey Mashruuca biyo-gelinta Laascaanood doonayso inay Magaalada Biyaha uga soo jiiddo Ceelka Goojacade oo ay sheegeen in biyihiisa aanay Xooluhu Cabbin karin, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen Dawladda Somaliland inay mashruuca dib u eegto.


Xildhibaan Maxamed Aflahaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deeganka Laascaanood ayaa sheegay in aanay ogolayn in Magaalada Laascaanood biyo looga soo geliyo Ceelka Gooja-cadde. "Dawladdii Riyaale biyo-gelin ayay ballan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo-gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u ballan-qaaday, haddana la sheegay in ceelka Gooja-cadde oo aan xooluhu cabbi karin in la yidhaahdo waa laga soo jiidayaa taasina maaha mid aanu yeeli karnoā€¯ Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Aflahaar.

Xildhibaannada Golaha deegaanka oo dhaliilay Shirkad Magaceedu yahay Nugaal oo la sheegay inay ku guulaystay Mashruuca Biyo-gelinta Laascanood, ayaa diiddan Ceelka la doonayo in Biyo-gelinta looga sameeyo Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay sheegeen inaan biyihiisa xooluhu cabbi karin. Shirkadda Nugaal oo ah Shirkadda wadda Biyo-gelinta Laascaanood ayaa dhawaan qalabka biyaha lagu sifeeyo ku rakibtay duleedka Magaaladaasi.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...