Allaybaday:-Ciidanka Liyuu Booliska Oo Toogasho Ku Diley Afar Ruux

0
Thursday December 19, 2019 - 00:55:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allaybaday:-Ciidanka Liyuu Booliska Oo Toogasho Ku Diley Afar Ruux

    Hargaysa(HWN):-Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho
Hargaysa(HWN):-Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho ku dilay Saddex nin gelinkii hore ee maanta magaalada Allaybaday

Ciidankan ayaa kasoo galay xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ee ku taalla Allaybaday, kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca Somaliland. Lama garanayo sababta uu ciidankaasi usoo galay magaalada Allaybaday iyo sababta ay rasaasta ugu fureen dadka.
Image result for Allaybaday


Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira wiil dhallinyaro ah oo ay haleeshay rasaasta ciidankaasi ridayay, wiilkaasi oo lagu magacaabo Naasir Cabdi Aadan, sida uu HUBAAL u xaqiijiyey guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26-juun ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil, oo abti u ahaa marxuumka geeriyoodday.

Guddoomiye Muxiyadiin Shiil ayaa hubaal u sheegay, in dhaawaca wiilka uu abtiga u ahaa loola soo cararay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu markii dambena u geeriyooday. Wiilkan ayaa dhawaan kasoo qalinjebiyay jaamacad dalka dibediisa oo waxbarasho ugu maqnaa, sida uu sheegay Abtigii, Muxiyadiin Cabdi Shiil.

Ciidankan ayaa la sheegay inay magaalada soo galeen gelinkii hore ee maanta ilaa haddana ay ku sugan yihiin. Ciidanka Somaliland ee ku sugan xuduudka ay labada dal wadaagaan ee ku yaalla Allaybaday, ayaan ka badnayn afar askari, maadaama aanay wax iska caabin la kulmin ciidanka Liyuuga ee soo galay.

Maaha markii ugu horraysay ee ay Ciiddanka Liyuu Booliska ee dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ay gudaha u soo gallaan dhulka Somaliland, isla markaanna ay dad shacab ah ku laayaan, hase-yeeshee dhawr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo maamulka Jigjiga ay cuddurdaar iyo raali-gelin ka bixiyeen.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...