Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Kulan Xasaasi La Qaatay Weftigii Beesha Caalamka+Sawiro
Hargeysa(HWN):-Weftigii ka socday beesha caalamka ayaa kulan la qaatay hogaanka xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani Iyo Ucid.
Kulanka ay weftiga beesha caalamku la qaateen xisbiyada mucaaridka ah oo wakhti badan qaatay ayaa lagaga hadlay arimaha ugu miisaanka culus ee khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka somaliland ee baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanada dalka.
War kooban oo laga soo saaray kulankaasi oo lagu baahiyey boga xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isafgarad ka gaadheen dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen.
Warka ka soo baxay xisbiga Waddani ayaa lagu yidhi sidan "Hoggaanka sare ee Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI Iyo UCID ayaa galabta Hargeysa kula kulmay Wafdigii ugu balaadhnaa ee Beesha Caalamka ka socda oo u yimid Somaliland sidii loo ambaqaadi lahaa geedi socodka Doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.
Labada Xisbi Mucaarad oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cirro ayaa waxa ay waqti dheer la qaateen Wafdiga Beesha Caalamka, kulankaas oo uu ku soo dhammaaday jawi is afgarad buuxda sidii looga midho dhalin lahaa dedaalada socda ee lagu doonayo in dalka uga dhacaan doorashooyinka Barlamaanka iyo golayaasha Deegaanka.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |