Qoyska Muuse Biixi Oo Isku Gaashaanbuuraystay Shaqo Ka Joojinta Madaxii Amniga Madaarka Oo Siyaasi Maxamuud Xaashi Lala Xidhiidhiyey

0
Wednesday December 18, 2019 - 19:43:50 in News by
  • Visits: 3888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoyska Muuse Biixi Oo Isku Gaashaanbuuraystay Shaqo Ka Joojinta Madaxii Amniga Madaarka Oo Siyaasi Maxamuud Xaashi Lala Xidhiidhiyey

    Qoyska Muuse Biixi Oo Isku Gaashaanbuuraystay Shaqo Ka Joojinta Madaxii Amniga Madaarka Oo Siyaasi Maxamuud Xaashi Lala Xidhiidhiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoyska Muuse Biixi Oo Isku Gaashaanbuuraystay Shaqo Ka Joojinta Madaxii Amniga Madaarka Oo Siyaasi Maxamuud Xaashi Lala Xidhiidhiyey


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Muuse Biixi ayaa shaqadii ka joojisay madaxii amniga ee madaarka magaalada Hargeysa Guuleed Maxamed Ismaaciil.




Madaxii amniga ee madaarka Hargeysa Guuleed Maxamed Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee looga qaaday shaqadii uu hayey ay tahay ka dib markii lagu eedeeyey inuu taageeray musharaxnimada Maxamuud Xaashi ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.


Madaxii amniga ee madaarka Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay in qaabka loo maray shaqoka joojintiisu ay sharciga baalmarsan tahay isaga oo xusay inay iska kaashadeen xoghayaha gaarka ah ee Muuse Biixi oo lagu magacaabo Mubaarig Taani, gudoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud iyo maamule ku xigeenka madaarka kuwaas oo ay dhamaantood isku qoys yihiin kornaylka talada qaranka haya.


Sidoo kale madaxii amniga ee madaarka Hargeysa ayaa sheegay inuu dacwad ka furanayo maxkamada Hargeysa, taas oo uu kaga soo horjeedo nidaamka loo maray shaqo ka joojintiisa isla markaana uu ku doonayo xaqa uu yeelanayo mudadii uu ka shaqaynayey madaarka.


Talaabooyinka ay qaadayaan shakhsiyaadka ay isku qoyska yihiin Muuse Biixi ayaa ah kuwa sharciga ka hor imanaya iyada oo haatan loo baahan yahay in dhalinyarada iyo shacabka somaliland ka hor yimaadaan.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...