Maantana Far Baan Maydhayaa, Hay Fadhiyo Geelu.

0
Wednesday December 18, 2019 - 19:22:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maantana Far Baan Maydhayaa, Hay Fadhiyo Geelu.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

MAAHMAAHDAN CAANKE,MIIDIYII HADHAYSEE,

MAQALAHA KU RAACAAN,MAATIDIYO CARURU,

MUCAARID WAA SALELE,MUQDISHA KU HEESO,

MURTI AY U NOQOTEE,MEERAYSI NAGA MAYDH.

 

MURANIYO ISKA ADKEE,MEEL KU GAADHIMAYNE,

MADAXU WAW SAREEYA,MEELU ADMI TAABTOO,

MAAMUUSIYO XISHOOD,MAGAC WAXAD KU LEDAY,

MADAXWEYNENIMADEE,MEERAYSI NAGA DHAAF.

 

MUCAARID IYO MUXAAFID,MADAX BAAD U WADATE,

MARKA DAAD LA MOOSABA,MEELBA FARUURTAAN,

MAANTA YAY MURKACANO,MIDIGTADA KU BURBURIN,

MEERISBAA LA SOO TOLAYE,MEERAYSI NAGA DHAAF.

 

MAWJADAA GURXAMAYO,CADAWGU SOO MALEGEEN,

IDINKUNA MACANO LA’AAN,WELI WAYSKU MAQANTIN,

MUCAARID IYO MUXAAFID,IS MAKEEKIGIINIYO,

MEESHA NOO WADAANIYO,MURAADKIINA LAMA GARAN.

                 ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...