Xafiiska Dhalinyaradda Somaliland ee Muqdisho oo si rasmiya u bilaabay Shaqaddiisii

0
Wednesday December 18, 2019 - 19:16:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska Dhalinyaradda Somaliland ee Muqdisho oo si rasmiya u bilaabay Shaqaddiisii

    Xafiiska Dhalinyaradda Somaliland ee Muqdisho oo si rasmiya u bilaabay Shaqaddiisii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Dhalinyaradda Somaliland ee Muqdisho oo si rasmiya u bilaabay Shaqaddiisii
Kampalla(HWN):-Waxa toddobaadkan aynu ku jirno si rasmiya loo hawl-geliyay Xafiis si gaara ugu furran dhalinyaradda reer Somaliland ee sida is daba-jooga ugu sii qulqullaaya Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Image result for Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi

Hindisaha iyo qorshaha Xafiiskan dhalinyaradda reer Somaliland looga furay magaalada Muqdisho waxa iska lahaa Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaannay ahayd ahmiyadda ugu wayn ee laga lahaa isku-xidhka Dhalinyaradda Somaliland iyo dhalinyaradda Soomaaliya, iyaddoo Dhalinyaradda reer Somaliland ee Shaqo la'aanta iyo Maamul-xumidda Xukuumadda Madaxweyne Biixi iskaga yaacay looga faa'iidaynaayo fursaddaha Shaqo iyo wixii kale ee Xukuumadda Madaxweyne Farjaamo la qaban karto dhalinyaradda ka haajirray Somaliland.


Xafiiskani waxa uu toddobaadkan aynu ku jirno uu bilaabay diiwaan-gelinta dhalinyaradda reer Somaliland ee ku suggan magaaladda Muqdisho, waxaannay safaf dhaadheer ugu jiraan siddii loo diwaan-gelin lahaa, isla markaanna fursaddaha shaqo ee jira ay uga faa'iiddaysan lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Dhalinyaradda reer Somaliland ee ku sugan Caasimadda Muqdisho, waxa lagu qiyaasaa ilaa 40% (Boqolkiiba Afartan), waxaanna jirta oo wali socota oo maalinkasta iska daba imannaaya dhalinyaradda Somaliland ee ku sii jeedda magaaladda Muqdisho ee xarunta dawladda fedderaalka Soomaaliya.

Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Ugunda
Loading...
Loading...