Jacaylka Faraskii Xiin-Finiin Iyo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan

0
Wednesday December 18, 2019 - 17:09:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 4425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Jacaylka Faraskii Xiin-Finiin Iyo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan

    Farduhu wuxu ka mid ahaa meersiyada ugu qaalisan ee ay soomaalidu dhaqato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farduhu wuxu ka mid ahaa meersiyada ugu qaalisan ee ay soomaalidu dhaqato.

 Farduhu waxay u ahaayeen ninka leh qurux, wuxu sidoo kale lagu soo dhici jiray geela, waxa loo adeegsanjiray war isgaadhsiinta, sahanka, duulaanka iyo dagaalka cadowga, safarka, sidaas awgeed ayaa uu soomalida uu ka jooqay meeqaan aad u sareeya.

 Farduhu waxay ku amaaneen abwaanadii hore ee somaaliyeed gabay, iyo geeraar oo ka mid ah heerarka ugu sareeya ee maansada soomaliyeed.

Gabay iyo geeraarba kii loo maraba amaanta fardaha waxaan ka  heli karnaa tusaaleyaal aad ubadan oo ka warama waxtarka ay leeyihiin farduhu.

 TUSAALAHA 1AAD: SAYID MAXAMED CABDALLE XASAN:

Waxaan tusaalaha 1aad waxaan kasoo qaadanayaa gabyaagii weynaa ee maansahanyahanka ahaa, halgamaagii gumiysiga necbaa, horjoogii dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee daraawiisheed sayid mohamed cabdalle xasan alle ha u naxariistee.

Sayid maxamed ayaa doonay faadumo islaan aadaan oo la dhalatay ISLAAN FAARAX ISLAAN AADANoo ahaa madaxdii iyo gudoonkii iyo boqorkii degmeda mudug.

Sayid maxamed wuxu gabadhaa yarad uga bixiyey xoolo badan oo geel iyo fardaba leh xurmo iyo xididtinimo wanaagsana waa loo muujiyey, haseyeeshee xididnimadii sayidka iyo islaan faarax ayaa lagu sheekaystay oo meel walba gaadhay.

Xididtinimadaas sayid maxamed waxa uu uga jeeday inu garab iyo gaashaanba uu islaan faarax iyo dadkiisaba uga helo la dagaalanka gumaystaha iyo gaalada, si uu jihaadku usii xoogeysto.

 

Intaas kadib ayaa loo sheegay islaan faarax inu sayidku aad u jecelyahay faraska xiinfiniin oo waxwalbana ka jecelyahay waxaanay dadka qaarkii ku yidhaahdaan islaan faarax weydiiso faraska sayidka bal haday xididnimadu ka dhabatahay iyo inkale.

Sayidku waxa loo soo diray warqad iyo ninkii waday oo xaashi la odhan jiray laguna yidhi waxa lagaa doonayaa faraska xiinfiniin.

Sayidku aad buu uga xanuunsaday arinkaa laakiin wuxu sameeyey maantaa oo kale wixii uu samayn lahaa nin gob ahi, waa uu dhiibay faraskii laakiin waxa uu mariyey gabay aad u dheer oo ku faaahfaahinayo jacaylka kal iyo laabta ah ee uu u hayo faraska iyo sida uu waxwalba farasku ugala qaalisan yahay diinta islaamka marka laga reebo.

Sayidku wuxu tuduca hore ugu sheegaya, uguna fariin dhiibayaa gabayga islaan faarax isagoo leh anigu nin xaajiya, oo xishoodleh baan ahay hadaan lay xaasidayn, dalabka aad ii latimid waxaan ku siin lahaan xadiga aduunyada oo dhan sida geel farabadan oo kumayaal ah, laakiin markaas damacday faraska xiin finiin Ayaan kaa xanuunsaday waxaanu yidhi sayidku:

*    Xayoow faaraxoow hadal rag waa loo xutubiyaaye

*    Nin xishood leh baan ahay hadaan lays xistiyahayne

*    Xabiib baan ahaa jeer aan kufriga laygu xaasidine

*    Adna xaashi baad iila timid xaakim soo diraye

*    Xadigii aduunyada hadaad xoolo iga  dooni

*    Marna anigu kaama xistiyahan xaalad aan leeyahaye

*    Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa geel xawaar badane

*    Kumanyaal xawaadaan lahaa xawd usii mariye

*    Markaad xiinfiniin damacday ayaan kaa xanuunsadaye.

Meerisyadan soo socda wuxu sayidku ku sheegayaa inu islaan faarax ku qadarinayo xididtinimada, oo aanu oodaba ka rogeen rag kale, sida xigtadii, qaraabadii, xataa hadii loo baryo si kasta waxaanu yidhi:

*    Walaalow xirgiga qaarkii waa lagu xujoobaaye

*    Waxaan kugu xutubiyaaba waa xuuradaan nahaye

*    Nin kalaan xafiidaba adaan xayda kaa rogaye

*    Xigto iyo qaraabiyo haduu xidid iweydiisto

*    Xayow iyo qayuum hadii laygu xoodaansho

*    Xubigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye.

Meerisyadan wuxu sayidku ku sheegayaa noocii uu ahaa faraska xiin finiin, waa xamar midabkiisu, waa mid lagu manaystay orod, socod raaxo weheliso, xagkasta oo laga eegana wuxu ahaa fardaha ka ugu ilroon, hadaan dib u xasuusto xiise ayaa ii qabanaya, oo farasku waxkasta wuu iga qaalisanaa marka laga reebo diinta islaamka ayuu hadalba ku gooyey waxaanu yidhi:

*    Xamar weeye oo midab fardood kala xariir roone

*    Xawaariyo kabtiyo raaxiyo xawli iyo jeefag

*    Xagii loo eryaba waa gamaan xulashadiisiiye

*    Xubno toosanoow neefku waa xaalad gooniya’e

*    Goortaan xusuus ula noqdaa xiiso ii qabane

*    Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheer

Jihaadka ayuu u ahaa mid loo fuulo, wuxu ahaa kii soo dhicin lahaa dhulkii gumaystuhu haystay, wuxu ahaa kii gaalada lagu eryan lahaa, nin goba xamasho waa ceebe, iga soo meer faraskii xamarka ahaaye, xadhigiisa qabo qofkale kuma xurmeeyeene wuxu yidhi sayidku:

*    Xarbadiyo jihaadkaan lahaa xoogsi ugu fuule

*    Isagaan xatooyada lahaa xuurta ugu loge

*    Xiniinyahay ku goo baan lahaa gaalka xaylka leh

*    Xayskaa da’aayaan lahaa xalin ka doodeeye

*    Xaqaygii maqnaa baan lahaa xag ugu raacdeeye

*    Meeshiyo xeebtaan lahaa xiito ku eryoode

*    Xidaysane madhiibeen anaan xaaladay bogane

*    Xaaraami uun baa arlada xula abiidkiise

*    Aniguna xogtaydaan ka baqi inay ixumeeyaane

*    Xaashaa lilaahi nin goba xamasho waw ceebe

*    Goorteer anoo xaajiyaan xinif awoodayne

*    Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye

*    Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye

 

*    Waa xiinfiniin neefkan aad xadhiga haysaaye

*    Xayawaanka oo idil naftay kala xeraadaane

*    Mar haduu suldaan igu xil lihi igaga xaydaanatay

*    Xarigiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.

Sayid maxamed waa uu dhiibay faraskii intaas kadib, isagoo aad uga murugoonaya waxtarkii uu faraskaasi u lahaa daraawiish.

Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(darwiish)

[email protected]

Loading...
Loading...