Cudurka Jadeecada Oo Fara-ba'an Ku Heya Mareykanka
WASHINGTON. D.C — Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah,
kaddib markii uu deegaankaasi ka dillaacay
cudurka jadeecada oo ah cudur horay looga ciribtiray Mareykanka.
Degmadaan oo 40 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada New York, ayaa maamulka waxa uu ka mamnuucay carruurta aanan ka tallaaneyn jadeecada in aysan iamaan xarumaha waaweyn ee ay dadka isugu yimaadaan.
Xaaladda deg degga ah ayaa deegaanka Rockland ka dhaqangashay xalay, waxaana ay socon doontaa muddo 30 cisha.
Ujeedada ayaa lagu sheegay in la dhiirri-geliyo tallaalka cudurkaan jadeecadda oo tan iyo bishii hore kiisas dhowr ah laga helay gobollo ku yaalla Mareykanka.
Degmada Rockland ee gobolka New York oo ay ku noolyihiin ilaa iyo
300,000 oo ruux ayaa sannadki 2000 laga ciribtiray cudurka jadeecada,
hase yeeshee waxaa hadda laga helay kiisas dhan 153 oo la xiriira
cudurka jadeecada.
VOA.
Loading...
Loading...