Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Oo Mawqifyo Is-Burinaya Ka soo Saaray Go'aankii Guddida Isu-xil-qaantay Dhexdhexaadinta Labada dhinac

0
Wednesday December 18, 2019 - 07:56:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Oo Mawqifyo Is-Burinaya Ka soo Saaray Go'aankii Guddida Isu-xil-qaantay Dhexdhexaadinta Labada dhinac

    Hargeysa (HWN) Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,
ayaa Mawqifyo is-burinaya ka soo saaray go’aanka ay 16-kii bishan soo saareen Guddiga isu-xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo soo afjaridda khilaafka u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda.

Shir jaraa’id oo ay shalay qabteen labada xisbi-mucaarad ee Somaliland, Cabdiraxmaan-cirro iyo Faysal Cali-waraabe, ayaa waxa ay ku sheegeen inay aqbaleen go’aamadii ay soo jeediyeen guddidii dhexdhexaadinta ka dhexwaday xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda.



Xukuumadda Somaliland oo geesteeda ka hadashay go’aamada guddida dhexdhexaadinta ah, ayaa sheegtay inay iyagu raaci doonaan sharciga Somaliland, Wasiirrada arrimaha gudaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo afka Xisbiga ku hadlayey iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Cali Koore oo ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, ayaa shirar jaraa’id oo kala gaar ah ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu mid waliba gaarkiisa uga hadlay aragtida Xisbiga iyo Xukuumadda-ba.

 

Go’aanka Guddiga dhex-dhexaadintu ay soo saareen ayey ka mid yihiin; in guddiga doorashada ee cusub ee muranku ka taagnaa la kala diro, in guddigii hore ee doorashada ee waqtigu ka dhammaaday dib loo soo celiyo, in laga noqdo waqtiga muddo-kordhinta labada sano ah ee golaha wakiillada loo sameeyey iyo qodobbo kale.

 

Weli si rasmi ah looma oga go’aanka madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu ka qaadan doono arrintan.

Loading...
Loading...