Dilka Saxafiyiinta oo Hoos u Dhacay Sanadkan

Guddiga Dhowrista Wariyaasha (CPJ) ee xaruntiisu tahay New York iyo ururka Wariyaasha Aanan Xuduudda laheyn ee fadhigiisu yahay magaalada Paris ayaa laba warbixin oo kala gaar ah balse ay isla soo saareen Talaadadi shalay ku sheegay in ay hoos u dhacday tirada waryaasha lagu dilo dalalka ay colaadaha ka socdaan, laakin aysan waxba iska baddalin wariyaasha lagu dilo dalalka nabadda ah.
CPJ waxay sheegtay in ugu yaraan 25 saxafi lagu dilay meelo kala duwan oo
caalamka ah sannadkaan, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo, tiradaas oo
ah tii ugu yareyd tan iyo sannadki 2002-di. Halka warbixinta ururka Wariyaasha
Aanan Xuduuda Laheyn ay sheegeyso in tirada wariyaasha sannaadkaan la dilay
guud ahaan dunida ay gaareyso 49 balse ay noqoneyso tii ugu yareyd tan iyo
sannadki 2003.
Dhanka xariga marka laga hadlayo, warbixintu waxay sheegeysaa in dalalka Masar, Sacuudiga iyo Shiinaha ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu xiray sanadkaan saxafiyiinta.
VOA