Kongreska Mareykanka Oo Meel Mariyay Cafinta Deymaha Soomaaliya

0
Wednesday December 18, 2019 - 07:41:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kongreska Mareykanka Oo Meel Mariyay Cafinta Deymaha Soomaaliya

    Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay lacagihii deynta ee lagu lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay lacagihii deynta ee lagu lahaa.

Arrintan oo ay ansixiyeen aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa waxaa horumuud ka ahaa xildhibaanad Ilhan Cumar oo sheegtay in maanta ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo iyo barwaaqo.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, waxaa Soomaaliya lagu lahaa deymo aad u fara badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ay baahi ku noolaadaan. Arrintan waxay saameysay kumanaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka", ayay Ilhan Cumar ku tiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskeeda.



Waxay intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.


"Deyn cafinta waxay guul muhiim ah u tahay, ayna muujineysaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay gaadhay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, mana ahan in tani loo arko arrin gebogebo ah, balse waa in loo arkaa bilawga xiriir diblomaasi oo horleh, waxaana jira waxyaaba badan oo la sameyn karo, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xirirka Dowladda dhexe iyo shacabka, Mareykankana door muhiim ah ayuu ka qaadan karaa arrintan", ayay raacisay Ilhan.


Inkastoo aan la garaneyn tirade lacagata deynta ee la cafiyay ee uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya ayaa haddana waxay guul muhiim ah u tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd qorshaha deyn cafinta.


Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.


lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sanad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa.


Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maadama ay adag tahay in waxyaaba badan ay kala macaamisho hey'daha maaliyadda ee caalamka, waxaana qorshahan Mareykanka u mhiim u yahay qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya.

 

BBC

Loading...
Loading...