Maamulkii Degmadda Gumburraha oo la Xidhay Iyo Guddoonka gobolka oo dhinac la saftay

0
Tuesday December 17, 2019 - 21:43:19 in News by
  • Visits: 2331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulkii Degmadda Gumburraha oo la Xidhay Iyo Guddoonka gobolka oo dhinac la saftay

    Masuuliyiintii Degmada Gumburaha Oo Xabsiga Lagu Guray Iyo Gudoomiyaha Gobolka Hawd Oo La Kala Saftay Dhinacyo Is Khilaafsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiintii Degmada Gumburaha Oo Xabsiga Lagu Guray Iyo Gudoomiyaha Gobolka Hawd Oo La Kala Saftay Dhinacyo Is Khilaafsan


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha degmada Gumburaha ee gobolka Hawd Xasan Daahir Galaw ayaa gabi ahaanba baal maray nidaamka cashuuraha ee u yaala dawladaha hoose ee somaliland.



Gudoomiyaha degmada Gumburaha Xasan Daahir Galaw oo ka talaabsaday xubnaha ay shaqo wadaagta yihiin ee dawlada Hoose iyo xoghayaha fulinta ayaa buugaagtii cashuur qabashada ku hawl galiyey xubno ay shuraako ku yihiin in la sameeyo musuq maasuq baahsan.

Natiijada sawirka gudoomiyaha gobolka hawd

Sida ay sheegayaan wararku Gudoomiyaha degmada Gumburaha oo garab ka helaya gudoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Shide ayaa meel mariyey nidaam baalmarsan cashuuraha dawlada hoose isaga oo xabsigana ku hubsaday xoghayihii dawlada Hoose Maxamed Muuse Muxumed oo marar door ah soo gaadhsiiyey maamul xumada ka jirta degmada Gumburaha markii uu waxba ka qaban waayeyna u gudbiyey wasaarada arimaha gudaha somaliland.


Gudoomiyaha degmada Gumburaha ayaa agaasimaha cashuuraha ka dhigay wiil dukaan ku haystay degmadaas oo lagu magacaabo Cabdi Cabdilaahi Jaamac kaas oo buugaagta cashuuraha u hayn jiray, talaabadaas oo keentay inuu khilaaf soo kala dhex galo xoghayaha fulinta degmada gumburaha Maxamed Muuse Muxumed iyo gudoomiyaha degmadaasi Xasan Daahir Galaw.


Wiilka dukaanka ku haystay degmada Gumburaha ee laga dhigay agaasimaha cashuuraha dawlada hoose ayaa mudo afar bilood ah oo ay gacanta ugu jireen buugaagta lagu qaado cashuurta dawlada hoose waxa uu ku doodayey inuu gudoomiyuhu u igmaday agaasimaha cashuuraha.


Khilaafka ka dhextaagan masuuliyiinta dawlada hoose ee degmada Gumburaha ayaa keenay in gudoomiyaha gobolku xabsiga dhigo xoghayihii dawlada Hoose, iyo agaasimahan sheegay in cashuuraha dawlada hoose lagu wareejiyey.


Masuuliyiintan oo la horgeeyey maxkamada gobol/degmo ee Balli-gubadle ayaa ku xukuntay todoba cisho oo xadhig ah iyo lacag gaadhaysa laba milyan oo shilinka somaliland ah taas oo mid kasta gaarkiisa loo dul dhigay.


Masuuliyiintan ayaa markii ay bixiyeen lacagta ganaaxa ah waxa ay maxkamadu ay saaka mar kale go’aamisay in xoriyadooda loo soo celiyo, balse wali waxa taagan khilaafkii maamul ee sababay in xukun ku dhaco.


Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa qaabka uu gudoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Shide oo la safan dhinac ka mid ah maamulka degmada Gumburaha ee is khilaafsan uu xal u gaadho.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...