Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Maamuustay Shaqaalihii ugu fiicnaa 2019-ka

0
Tuesday December 17, 2019 - 20:25:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Maamuustay Shaqaalihii ugu fiicnaa 2019-ka

    Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Abaalmarino guddoon-siisay Shaqaalihii ugu fiicnaa 2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Abaalmarino guddoon-siisay Shaqaalihii ugu fiicnaa 2019
Hargeisa(HWN):-Masuuliyinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Shahaadooyin iyo Abaal-marin guddoonsiiyey Tobankii Qof ee Shaqaalaha Wasaaradda ugu Shaqada fiicnaa sannadkan dhammaanaya ee 2019-ka iyo Xubno Shaqaalaha ka tirsan oo Tabobbar muddo u socday dhammaystay.

Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Magaalada Hargeysa ee Shaqaalahan lagu abaal-marinayey Ka sokow Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaaradaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowaldda, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Culimo, Mudan iyo Marti-sharaf kale.



Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa faahfaahiyey marxaladaha kala duwan ee ay Wasaaraddu soo martay iyo abaal-marinta Shaqaalaha. Waxaanu sheegay in labada Sano ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayey in wax badani u qabsoomay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ha ugu horreyso diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah iyo Macallimiinta dhiga, samaynta Manhajka Maddaarista, tayaynta iyo tabobbarista Shaqaalaha, xoojinta wacyigelinta Diiniga ah, Isku-xidhka Culimada Dalka iyo qodobbo kale.

"Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu muddadii uu xilka hayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dalka ka talinayey Wasaaraddu waxay gaadhay guulo waaweyn oo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta Maddaariista Diiniga ah, Manhaj u samaynta Maddaarista, tabobbarro shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda la siiyey.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Buraale, oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi; "Munaasibaduhu markay dhiirrigelin iyo abaal-marin iyo isqiimayn yihiin, waxay tilmaamayaan inay jiraan isla xisaabtan iyo ku dhaqanka sharcigu.”


Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa isna soo dhaweeyey qiimaynta iyo abaalmarinta shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta, waxaanu yidhi; "Hay’adda Shaqaalaha dowladdu wareegto ayey soo saartay bishan horraanteedii ay ku wargelinayso hay’adaha dowladda inay warbixintooda shaqaalaha soo gudbiyaan oo aannu doonayno in lagu ogaado inta dedaalka samaysay, markaa warbixintaas oo 25-ka December ku muddaysnayd inay ka soo hormaraan Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waan ku hambalyeynayaa.”

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi qiimaysa ay u saareen Shaqaalaha, guddigaas oo si hufan u qiimeeyey, kana soo saaray tobonkii qof ee ay u arkeen inay ugu shaqo wacnaayeen ama dedaal badnaayeen sannadka dhammaanaya ee 2019-ka, waxaanu ugu hambaleyeeyey dedaalkooda iyo shaqo-wanaaggooda.

"Waxaan u mahad-naqaynaa oo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda, 10-ka qof ee lagu maamuusay Shan baa Haween ah, Shanna waa Rag. Waxaan u mahad-naqayaa Guddiga qiimaynta samaysay, waxa jira Dad mudnaa in la abaal-mariyo oo aan halkan idiinka muuqan, laakiin tobankii qof ee ugu sarreeyey qiimaynta guddigu samaysay ayuun baa la xusay. Waxaan leeyahay walaallayaal, Illaahay ayaad abaalkiinna ka helaysaan, walaalladiin, ehelkiinna iyo madaxdiinna ayaad ka helaysaa. Shaqaaluhu markuu qiimayn galo waxa uu dareemayaa in isla xisaabtan jiro, in lala socdo, in isqiimayn iyo abaal jiro.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Geestooda Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, gaar ahaan Hablaha, ayaa Shahaado-sharafyo ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed. Sidoo kale, waxay Shahaaddo sharaf guddoon-siiyeen Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdillaahi Cabdalla

Si kastaba ahaatee, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxay noqonnaysaa Wasaaraddii ugu horraysay ee Abaalmarinno guddoon-siisay shaqaalaheeddii ugu wanaagsannaa Sanadkan sii galbannaaya ee 2019-ka.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...