Trump Oo Lacagtii Gidaarka Ka Heley Meel Kale

0
Wednesday March 27, 2019 - 07:52:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Lacagtii Gidaarka Ka Heley Meel Kale

    Aqalka Pentagonka ee looga taliyo militariga dalka Maraykanka ayaa ansixiyay lacag dhan $1 bilyan oo doolar oo ka mid ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Pentagonka ee looga taliyo militariga dalka Maraykanka ayaa ansixiyay lacag dhan $1 bilyan oo doolar oo ka mid ahaa

miisaaniyadda ciidanka in loo leexiyo dhanka dhismaha gidaarka uu ku taahayo madaxweyne Donald Trump.


Lacagtan ayaa ah tii ugu horeysay oo la heley tan iyo intii madaxweynaha uu ku dhowaaqay xaaladda degdegta ah si uu u hareer maro xanibaadda ka haysata Aqalka Congress-ka ee ku saabsan lacagaha gidaarka.



Xildhibaanada xisbiga dimoqoraadiga ayaa kasoo horjeedsaday go'aankan, balse ma jirto meel ay hadda wax ka qaban karaan.


Lacagta hadda la heley kuma wada filna in ay gidaarka dhisto, kaliya waxaa lagu oodayaa 91km oo loo arkay in ay yihiin goobo halistoodu badantahay oo la sheegay in daroogada iyo dambiilayaasha ay kasoo talaabaan.


Xoghayaha difaaca Maraykanka Patrick Shanahan ayaa qalinka ku duugay lacagta cusub, isaga oo faray injineerada ciidamada in ay bilaabaan qorsheynta dhismaha.


Guddoomiyaha guddiga difaaca Aqalka Congress-ka Adam Smith ayaa sheegay in aanan guddiga lagala tashan arrinkan, islamarkaasna uu yahay mid sharci darro ah.


Hase yeeshee warbaahinta Maraykanka ayaa ku waramaysa in weli ay jiraan murano xagga sharciga ah oo ka dhalan kara tallaabooyinka Trump.


Labada Aqal ee baarlamaanka Maraykanka ayaa labada cod ku diiday xaaladda degdega ah ee lasoo rogay, balse Trump ayaa isticmaalay codka diidmada qayaxan oo uu ku burinayo codka Aqalada, iyada oo Aqalka Sare la heli waayay codkii loo baahnaa in lagu buriyo Codka Diidmada Qayaxan ee uu Trump isticmaalay.

BBC

Loading...
Loading...