Muuse Biixi Iyo Cali Baqdaadi Ma Musuqa Ay U Gaysanayaan Hantida Umada Ayey Heshiis Ku Yihiin?..Qaybtii 1aad

0
Tuesday December 17, 2019 - 19:40:29 in News by
  • Visits: 2031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Cali Baqdaadi Ma Musuqa Ay U Gaysanayaan Hantida Umada Ayey Heshiis Ku Yihiin?..Qaybtii 1aad

    Muuse Biixi Iyo Cali Baqdaadi Ma Musuqa Ay U Gaysanayaan Hantida Umada Ayey Heshiis Ku Yihiin?..Qaybtii 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Cali Baqdaadi Ma Musuqa Ay U Gaysanayaan Hantida Umada Ayey Heshiis Ku Yihiin?..Qaybtii 1aad


Hargeysa(HWN):-Ka dib markii uu hogaamiye Muuse Biixi u magacaabay gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahin Baqdaadi waxa mudo yar oo kooban ku soo shaac baxay musuq maasuq baahsan oo ka dhacay baanka dhexe.



Gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Baqdaadi oo ka faa,iidaysanaya xilka uu Muuse Biixi u magacaabay waxa uu sameeyey musuq maasuq baahsan oo uu u gaystay hantidii umada somaliland ee uu masuulka ka ahaa sida uu sheegay qoraaga caanka ah ee Cabdi Shootali.

Image may contain: 5 people, including Ali Ibrahim and Jama Kosar Ahmed, people sitting and suit

Gudoomiye Cali Baqdaadi ayaa  markii uu mudo kooban hayey xilka gudoomiyaha Baanka waxa uu magaalada Hargeysa ka dhistay fooqyo aad u dhaadheer oo ay gashay lacag badani kuwaas oo uu sheegay inuu ka dhiganayo hudheelo lagu raaxaysto sida uu ku baahiyey bogiisa Facebook.


Gudoomiye Cali Baqdaadi ayaa ilaa hada oo uu hayo xilka gudoomiyaha baanka dhexe waxa uu sii wada musuq maasuqii uu u gaysanayey hantida umada ee masuulka looga dhigay, iyada oo aanay jirin wax talaabo ah oo uu ka qaaday Muuse Biixi, sida uu sheegayo qoraaga caanka ah Cabdi Shootali oo marar badan soo bandhigay musuq maasuqa Baqdaadi.


Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa dhankiisa wada musuq maasuq baahsan iyo ku tagri fal awoodeed oo uu muujiyey mudadii labada sanadood ahayd ee uu xilka hayey, waxaana haatan muuqata musuqa uu ka dhex sameeyo qasriga kaas oo uu soo  bandhigay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.


Gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa bulshada u cadeeyey in Muuse Biixi uu qoyskiisa hoose uga faa,iidaynayo awoodii qaranka ee loo dhiibay iyo mashaariicdii umada ka dhaxeeyey ee dawladiisu gacanta ku haysay.


Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo soo bandhigaya musuq maasuqa uu Muuse Biixi ku kacayo ayaa waxa uu yidhi "Dawladu waxay leedahay wasaarado iyo agaasimayaal, dad ganacsato ah ayaa ku nool balse waxaas oo dhan qoyskiisa ayuu ka dhigay Muuse waanay inoo kala soocnaan jirtay qoyska iyo ganacsigu hadase waxa isku qasan qoyskiisii, raaskiisii iyo ganacsigiisii, qoyskiisii, caruurtii uu abtiga u ahaa, walaaladii iyo dadkiisii oo dhana waxay galeen ganacsigii oo wadanka dhaqaalihiisii ayuu gacanta ku haystaa.”


Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay inuu cadaymo u hayo sida uu Muuse Biixi qoyskiisa ugu gacan galiyey awoodii dalka isla markaana ugu naas nuujiyo hantidii umada "Waa la cadaynayaa inta mashruuc ee ay qaateen oo waa la hayaa wax qarsoona maaha, ilaa iyo maantana inta qof ee ehelkiisa ah ee uu meel yar xanjo ugu dhajiyey waa la hayaa waanan ka xishoonaynay markii hore laakiin haddii uu isagu xishoon waayey waa lays qaawinayaa waana lays kashifayaa.”


Dad badan ayaa iswaydiinayey sababaha uu Muuse Biixi talaabo uga qaadi waayey gudoomiye Cali Baqdaadi oo musuq badan ka gaystay baanka dhexe balse waxa haatan muuqata inay ku wada socdaan musuqa hantida umada maadaama oo labadooduba ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u xadi lahaayeen hantida ay masuulka ka yihiin ee umada somaliland ee danyarta u badani leedahay.

Gudoomiye Cali Baqdaadi ayaa dhankiisa ku mashquulsan inuu dajiyo qorshayaal indha sarcaad u badan oo uu doonayo inuu kursiga ku sii haysto kuwaas oo uu hadyo jeer iskaga dhaadhiciyo Muuse Biixi oo u muuqda inuu heshiis kula yahay musuqa uu faraha kula jiro.


La Soco Qaybo Dambe Iyo Musuqa Ay Heshiiska Ku Yihiin Muuse Biixi Iyo Cali Baqdaadi

Loading...
Loading...