Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Sida Muuse Biixi Qoyskiisa Hoose Ugu Gacan Galiyey Awoodii Dalka Iyo Siday U Boobayaan Hantidii Umada

0
Tuesday December 17, 2019 - 18:20:06 in News by
  • Visits: 3624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Sida Muuse Biixi Qoyskiisa Hoose Ugu Gacan Galiyey Awoodii Dalka Iyo Siday U Boobayaan Hantidii Umada

    Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Sida Muuse Biixi Qoyskiisa Hoose Ugu Gacan Galiyey Awoodii Dalka Iyo Siday U Boobayaan Hantidii Umada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Sida Muuse Biixi Qoyskiisa Hoose Ugu Gacan Galiyey Awoodii Dalka Iyo Siday U Boobayaan Hantidii Umada


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay sida uu Muuse Biixi awoodii dalka ugu gacan galiyey qoyskiisa.


Gudoomiyaha Faysal ayaa sheegay in Muuse Biixi uu dalka ka dhigay dukaan qoyskiisu leeyahay isla markaana uu mashaariicdii dalka ku naas nuujinayo xubno ka mid ah qoyskiisa oo samaystay ganacsiyo.



Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya arimahan ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan "Maanta dawlada Muuse ma shaqaynayso oo dalku wuu taagan yahay waxanu ka dhigay dalkii bakhaar uu qoyskiisu leeyahay oo ganacsi u furan.”ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo la hadlay hctv.

Natiijada sawirka faysal cali waraabe iyo muuse biixi

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu isku awoodii dalka u gacan galiyey qoyskiisa kuwaas oo ku shaqaysanaya waxaanu yidhi "Aniga waa lay doortay isagana waa la doortay hase yeeshee dawladu way ka fara badan tahay xisbi, dawladu waxay leedahay wasaarado iyo agaasimayaal, dad ganacsato ah ayaa ku nool balse waxaas oo dhan qoyskiisa ayuu ka dhigay waanay inoo kala soocnaan jirtay qoyska iyo ganacsigu hadase waxa isku qasan qoyskiisii, raaskiisii iyo ganacsigiisii oo shaqadii wasaaradaha oo dhan isaga ayaa haya wasiir qudha oo talaabo qaadi karaa ma jiro, waxaanu meeshiiba ka dhigay in hal qof maamulo.”


Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa sheegay in Muuse Biixi uu wasiirada xukuumadiisa ka tirsan ka qaaday awoodii ay wax ku maamuli lahaayeen isla markaana taladii gacantiisa ku soo ururtay "Lama diidana in la doortay isaga laakiin waxaanu arkaynaa inuu wadankii ka dhigay hal qof oo uu maamulkii isku soo koobay kaligii, wax kastana aniga ayaa saxeexaya ayuu leeyahay oo wasiiradu awoodba ma leh, qoyskiisii, caruurtii uu abtiga u ahaa, walaaladii iyo dadkiisii oo dhana waxay galeen ganacsigii oo wadanka dhaqaalihiisii ayuu gacanta ku haystaa.”


Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay inuu cadaymo u hayo sida uu Muuse Biixi qoyskiisa ugu gacan galiyey awoodii dalka isla markaana ugu naas nuujiyo hantidii umada "Waa la cadaynayaa inta mashruuc ee ay qaateen oo waa la hayaa wax qarsoona maaha, ilaa iyo maantana inta qof ee ehelkiisa ah ee uu meel yar xanjo ugu dhajiyey waa la hayaa waanan ka xishoonaynay markii hore laakiin haddii uu isagu xishoon waayey waa lays qaawinayaa waana lays kashifayaa.”


Gudoomiye Faysal ayaa aaminsan in musuq maasuqa Muuse Biixi lagu xakamayn karo oo kaliya iyada oo la sameeyo baarlamaan adag oo la xisaabtama waxaanu yidhi "Waa in la sameeyaa baarlamaanka la xisaabtama Muuse Biixi dawladiisa iyo dawlado hoose oo shaqeeya kuwaas oo ay ka soo baxaan maayaro fiican oo aduunka la jaan qaada ,murankana halaga baxo ayaan leeyahay.”




Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...