Hay'adda OXFAM oo ka hadashay Shirkii Cimillada Adduunka ee dalka Spain

0
Tuesday December 17, 2019 - 17:27:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda OXFAM oo ka hadashay Shirkii Cimillada Adduunka ee dalka Spain

    Hay'adda OXFAM oo ka hadashay Shirkii Cimillada Adduunka ee lagu qabtay dalka Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda OXFAM oo ka hadashay Shirkii Cimillada Adduunka ee lagu qabtay dalka Spain
Hargaysa(HWN):-Shirwaynihii lagaga arinsanayey isbedelka Cimilladda (C0P 25) ee 2 – 13 December ka qabsoomay magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa waxa uu ku soo dhamaaday natiijo aan fiicnayn.

Dowladdihii ka qayb-galay shirkaasi ayaa waxa laga rajeynayey in ay la yimaaddaan qorsheyaal rasmi ah oo xal loogu raadinayo isbedelka Cimilladda ayaa waxa ay isku af-garan wayeen arimo la xidhiidha xaga farsamooyinka, iyagoo iska dhaga tiray baaqyadii ay shacabku soo jeedinayeen bilihii u dambeyey.
Image result for Oxfam


Isbedelka Cimilladda waxa uu saamayn taban ku yeeshay waddamadda dhaqaalahoodu hooseeyo sida Soomaaliya oo kale. Wasakhowga hawadda ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee loo aanneeyo Isbedelka Cimilladda iyo guud ahaan qaarada afirka ku leedahay wax ka yar boqolkiiba shan, haddana dhibaatooyinka ka dhashay isbedelkaasi Cimilladda waxa uu si daran u sameeyey qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska afrika sanadihii u dambeeyey waxa uu la il-darnaa abaaro daba dheeraaday iyo roobab dufaano wata oo baabiiyey dalagyadii soo bixi lahaa.

"Bulshadda Soomaaliyeed waxa soo wajahay xaalado adag, roob la’aan iyo abaaro daba dheeraaday iyo waliba dufaano hor seeday barakac baahsan. Waxa aynu marag ka nahay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadkaasi barakacay oo xoolihii ka dhamadeen, Waxaanu ka rajeynayn in Shirka ay ka soo baxaan qorsheyaal rasmi ah iyo magdhow la siiyo dadka isbedelka cimiladu saamaysay ee aan iyagu qaybta ka ahayn wasakhowga hawada. Waxaan ugu baaqaynaa waddamadaasi in ay la yimaadaan xal waara oo wax laga qabanayo xaalada cakiran ee ay sababtay isbedelka cimiladu” ayuu yidhi Amjad Cali oo ah directorka Xafiiska Oxfam ee Somalia.

Haweenka iyo caruurta ayaa iyagu ah kuwo aad ugu sii nugul dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada. Abaarta iyo biyo la’aanta ayaa culays badan sii saaraysa hooyoyinka Soomaliyeed oo iyagu masuul ka ahaa korinta iyo daryeelista ubadka iyo gurigaba. Haweenku waxa ay meelo aad u durugsan ka dontaan biyaha iyo xaabada taasi oo inta badan khatar galisa iyaga iyo ubadkoodba.

Oxfam waxa ay ka shaqaysaa degaanada Soomaalida iyada oo kaashanaysa Hay'addaha dowliga ah wax ay caawimooyin gaadhsiisaa dadka jilicsan ee ay abaarahu saameeyeen.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...