Xukuumadda Oo Dib-U-Eegis Ku Samaynaysa Heshiiskii Internet-ka Ee Fiber-Ka SOMCABLE

0
Tuesday December 17, 2019 - 16:41:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Dib-U-Eegis Ku Samaynaysa Heshiiskii Internet-ka Ee Fiber-Ka SOMCABLE

    Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ga ee Somaliland Cabdiwali Sheekh Suufi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ga ee Somaliland Cabdiwali Sheekh Suufi
Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegtay in dib loo eegayo Heshiiskii xukuumaddii hore kootada ugu xidhay shirkadda Somcable inay dalka keento Internetka Fiber Optic-ga.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ga ee Somaliland Cabdiwali Sheekh Suufi oo waraysi siiyey telefishanka Horyaal24, ayaa sheegay in wasaaraddiisu dib u eegayso heshiis xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo shirkadda Somcable ruqsad ugu siiyey inay dalka Keento Internetka Fiber-ka.



Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi” "Horta arrinka Cable-ku wuxuu ku yimi heshiis wasaarada iyo shirkad ka mid ah shirkadaha ay 25 sanno ku heshiiyeen in adeega u qabato wasaaradda. Arrinka Cable-ka wasaarada ayaa leh sharci ahaan, xitaa markaad eegto xeerka is-gaadhsiinta wasaaradda. 

Laakiin wasaaradda ayaa u igmatay, kadib wuxuu maray wareegto Madaxweyne xeer baarlamaan-baanna lagu ansixiyey. Ka wasaarad ahaan waxaannu ku samayn doonna dib-u-eegis, laakiin heshiiskii wasaarada iyo Cable-ku way jirta.”Ayuu yidhi Cabdiweli Sheekh Suufi

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in sannadkan cusub bilowgiisa la isu-xidhi doonno khadka telefoonadda"Laba jeer baa la isu-dayay oo labaddii jeer-baa kolay way istaageen, xeerka ayay ku qorantahay xeerka is-gaadhsiinta ee xeer lambar 50 ee 2011-ka soo baxay in isku xidhka shirkadaha is-gaadhsiintu yahay waajib. 

Xeerku laakiin wuxuu sheegay maba’diidii guud, annaga oo taa ka dhaqaaqaynaa waxaannu samaynay xeer nidaamiyaha isu-xidhka shirkadaha is-gaadhsiinta, marka wuxuu soo baxay dhawr bilood ka hor, marka farsammo ahaan siddii la isugu xidhayay ayaannu shirkadaha ka wadda-shaqaynaynay oo ay ku qas-banyihiin oo waxaannu ku tallo-jirnaa bilowga sannadka soo socda inay hirgasho”Ayuu Cabdiweli Sh. Suufi

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland 



Loading...
Loading...