Man City Oo Garaacday Chelse Kuna Guulaystay Koobkii Ugu Horeeyey Xili Ciyaareedkan

0
Monday February 25, 2019 - 12:15:03 in News by Super Admin
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Garaacday Chelse Kuna Guulaystay Koobkii Ugu Horeeyey Xili Ciyaareedkan

    Kooxda Manchester City ee hogaaminaysa horyaalka dalka Ingiriiska ayaa ku guulaysatay koobkii ugu horeeyey ee xili ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester City ee hogaaminaysa horyaalka dalka Ingiriiska ayaa ku guulaysatay koobkii ugu horeeyey ee xili ciyaareedkan.

Manchester City ayaa koobka Carabao ama Carling Cup waxay ka horqaaday kooxda Chelsea oo ay iskugu yimaadeen ciyaartii ugu dambaysay, ka dib markii ay ku garaacday rikoodhayaal.

Kulankii labada kooxood ayaa ku soo dhamaaday goolal la,aan iyada oo aanay suura gelin inay la yimaadaan wax goolal ah taas oo keentay in loo dhigo laadka xorta ah.

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay afar rikoodhe oo ay dhalisay halka ay iska khasaarisay hal rikoodhe, iyada oo kooxda Chelsea ay keensatay sadex rikoodhe oo ay dhalisay halka ay laba ka mid ahna iska khasaarisay.

Dhinaca kale waxa fal layaab leh ku kacay goolhayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga oo gabi ahaanba diiday badal uu ku sameeyey tababar Sari ka dib markii uu dhaawacmay, waxaanu ka horyimid inuu ciyaarta ka baxo.

Talaabada uu ku kacay goolhayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa keentay in ciyaarta la hakiyo mudo 3 daqiiqo ah, iyada oo ay guuldaraysteen waan waan ay ciyaaryahanada kooxda Chelsea ku doonayeen in goolhayuhu uu qaato go’aanka tababaraha isaga oo ku adkaystay inaanu ciyaarta ka baxayn.



Loading...
Loading...