Cumar Ustareeliye Iyo Amaanta Geella:

0
Tuesday December 17, 2019 - 08:48:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 5192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Ustareeliye Iyo Amaanta Geella:

    Gabaygan waxa tiriyey abwaankii weynaa ee caanka ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan waxa tiriyey abwaankii weynaa ee caanka ahaa
ee cumar xuseen gorse (ustareeliya) oo ahaa nin aad ugu caan baxay amaanta geela aadna ugu xeer dheeraaday.



Gabaygan oo kamid ah gabayada ugu farshaxansan marka la eego amaanta geela ayuu wuxu soo baxay xili ay wadanka ka jirtay tartan maanso oo u dhaxaysay magaalada iyo miyiga, Cumar ustareeliye wuxu si farshaxanimo leh ugu muujinayaa waxtarka geela, caanihiisa manfaca badan, iyo dhamaan waxtarkiisa kale ee aan lasoo koobi Karin waxaanu ku bilaabay:

·       Dhudaa gabay haddaan Maxamadow dhuuxa ka abbaaro

·       Abidkayba xarafkaan dhigaa dhaxalgal weeyaane

·       Anigoo dhallaanaan xafiday dhihitinkiisiiye

·       Caawuu gadhkaygii dhafmoo dhabannaday buuxshay

·       In uu xarafku i ga dheelliyaa waa dhegxumo weyne

·       I dhegaysta waa taa tixdaan dhaabadayn jiraye.

·       Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisiiye

·       Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka Karameede

·       Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha sii ma dhaafsana’e

·       Lo’da dhiiqda laga maalayaa dhayda iyo xoorku

·       Dhudhunkay biyaha ku la jirtiyo dharabka weeyaane

·       Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye

·       Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

·       Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka

·       Dhoor caano la ga soo lisoo yara dhanaanaaday

·       Nin dhadhamiyay wuu garanayaa dhul ay qaboojaane

·       Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye

·       Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

·       Dheeraad u raaciyo bilay dhacarataa Hawde

·       Iyadoo dhimbiishii suddiyo iyo dhilatay maygaagga

·       Iyadoo dhammaan wada rintoo dhaaddan oo quruxsan

·       Oo farowga oofaha ku dhigay dhinacu goobaystay

·       Iyadoo dhawaysoo candhiyo dhays la socon wayday

·       Ayay jeelka ka ma dhawrsatee dhanaha xiistaaye

·       Dhabbaduu ku soo ururiyaa dhoobbigii jiraye

·       Markay dhawr habeen soo dhaxday Dhamal timaaddaaye

·       Dharaar bay carrada joogsataa dhegadka ruugtaaye

·       Habeenkaa wax la ga dhiijiyaa dhay habeed badane

·       Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

·       Dhag salaaddu goortay tidhay dhacanta jiidhaaye

·       Dhismaa naadhka iyo wiilashay laba u dhiibaane

·       Goorta dhagax malkada shiisha iyo dheenta lagu tiirsho

·       Sidii faras dhambaal culus siday ka la dhaqaaqdaaye

·       Markay soo dhawaatay kalgacal Dhudi la yeedhaaye

·       Markaasay dhegaystaan kuwii ceelka loo dhigaye

·       Ma dhursugo irmaankoo wax badan dhanaha moogaaye

·       Dhaltidiyo ratiga baarqabkay dhibidu suudaysay

·       Heesteeda niman bow dhignaa dhoy la’aan jiraye

·       Dhallinyaro hormuud loo dhigoo timaha dhoobaystay

·       Sida nimanka dhaantada tumay u gu dhawaaqaane

·       Dhufsashada hadhuub-gaalladaa la isu dhiibaaye

·       Markay dheregto baa meel burco ah Dhool la tu’iyaaye

·       Sida dhaan harraad loo qabay u gu dhaqaaqaane

·       Markaasaa dhulkuu joogi jiray lagu dhaqaajaaye

·       Xeryo guulkii loo sii dhigay dhag u ga siiyaane

·       Waxa dhaba habeenkaa ninkii dhama galxoodkeeda

·       Dhallaannimo qodxii kugu mudaa kaa ga soo dhaca

·       Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

·       Wax ay sii dhowaataba kolkay Idhamadii dhaafto

·       Iyadoo horraantii dhashoo dhiraha loo waabay

·       Ood dhogorta qaalmaha xariir dheehan ku astayso

·       Ayaa dhool gu oo soo onkoday dhibic ka hooraaye

·       Markaasay xeryaha u ga dhigaan dhinacsinkii Hawde

·       Dhabbadii carraabaha markii nabar la sii dheelmo

·       Dhoorwiile goortuu ratigu Dheeha garab joogo

·       Dhudhunkeeda laafyaha markuu dhan u la boodaayo

·       Dhegta iyo dawaaddiyo xubnaha laysku wada dhaabay

·       Dhudda kuruska beerkiyo kelyaha dhibidu gaashaysay

·       Dhexda labada qaar noqotay iyo dhabarka soo xoodmay

·       Dhegeysigu micida meel cidla ah dheef u rabinaayo

·       Dhufashada rakaadday farxadi ku gu dhammaataaye

·       Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

·       Ammaantiisa kuu maan dhammayn ku mana dheeraane

·       Dhaayo geelu leeyahay haddaan dhool yar ka iftiinsho

·       Dhaddigiisa la ma iibiyeen la mana dhiibeene

·       Dhool lama muquunsheen haddii dhawr la gaa xidho’e

·       Waa dhagax nafloo hayjaddaa dhigay Ilaahaye

·       Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...