Jaaliyada Xisbiga Kulmiye ee CANADA Oo Madaxweyne Biixi Ka Codsadey In uu Xilka Ka Qaado Gudoomiyaha Baanka Baqdaadi

0
Monday December 16, 2019 - 22:31:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Xisbiga Kulmiye ee CANADA Oo Madaxweyne Biixi Ka Codsadey In uu Xilka Ka Qaado Gudoomiyaha Baanka Baqdaadi

    Toronto(HWN)-Xusbiyahanada Kulmiye ee Dalka Canada ayaa Dhawaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toronto(HWN)-Xusbiyahanada Kulmiye ee Dalka Canada ayaa Dhawaaq
dheer oo ay Fariin ahaan ugu Gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Waxa ay Markii ugu horeysay kaga Codsadeen in uu Xilka Ka Qaado Gudoomiyaha Baanka Somaliland Baqdaadi oo ay ku eedeeyeen In aaney Waligood ilaaweyn hagardaamadii uu Gaadhsiiyay markii uu ku Sugnaa CANADA ee uu ka tirsanaa Xisbiga Waddani.

 

Kaadiriyiinta Xisbiga Kulmiye ee Dalkaasi CANADA oo Fariintooda Si furan ugu Socodsiiyay Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyahooda Xisbi Xaakimka Kulmiye, Waxa ay Sheegeen in Codsi dheer kaga dalbanayaan in uu Xilka ka Qaado Gudoomiyaha Baanka Somaliland, oo aaney habeena ka Seexan hadimooyinkii uu soo gaadhsiiyay Markii uu ku Sugnaa Dalka CANADA Xisbi ahaan Waxaanay Codsigooda Raaciyeen in uu Fariintooda Madaxweynuhu si taxadir leh uga fiirsado, taas oo ah mid uu ugu hiilinayo Xisbiga Kulmiye ee uu Masuuliyadiisa hayo, iyo Niyad dhiska Taageerayaashiisa Wali u haya Niyadsamaanta Isaga iyo Xisbigiisaba.

 

Waxa ay Codsigoodan Ku Socda Madaxweyne Muuse Biixi Kulmiyahanada Reer Canada ku Xuseen dhibaatooyinkii uu habeen iyo Maalin ku hayey Gudoomiyaha Baanka Somaliland Baqdaadi oo Qoddobka ugu yari Yahey, Xafladaha uu ka horjoogsan jirey, iyo Carqaladaha uu Galin jirey Goobaha ay ku Qabsanayaan Dhoolatusyada Xisbiga iyo Waliba Kala Qeybintii uu u adeegsan jirey Caadifada Qabyaaladeed Xubnaha Jaaliyada ee Xisbi Weynaha Kulmiye.

 

Gabagabadiina Waxa ay Fariintooda ku Sheegeen in uu Madaxweynuhu Codsigoodan ahmiyad gaar ah Siiyo islamarkaana, ay hiil unoqon.Doonto Niyadsamaanta ay u Qabaan Madaxweynaha iyo Xisbigaba iyagoo rajeynaya in uu Aqbali doono sida ugu dhakhsaha Baddan.

 

Waxaanau kusoo gunaanadeen in ay Rajo boqolkiiba Boqol ah ka Qabaan in uu Sida ugu dhakhsaha Badan Madaxweynuhu uga Aqbali doono Codsigooda.

 

Hadhwanaagnews


Loading...
Loading...