WAR Deg Deg ah: Suldaan Abshir Oo loo Qaaday Xabsiga Mandheera.

0
Monday December 16, 2019 - 19:57:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR Deg Deg ah: Suldaan Abshir Oo loo Qaaday Xabsiga Mandheera.

    Boorama (HWN) Suldaan Abshir Maxmed Ducaale ayaa galabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Suldaan Abshir Maxmed Ducaale ayaa galabta
loo qaaday xabsiga Mandheera kadib markii saaka magaalada Boorama ka dheceen mudaharaadyo dhiig ku daatay oo looga soo horjeedo xadhiga Suldaanka.

 

Odayasha Beesha Suldaan Abshir oo shabakada Hadhwanaagnews lasoo xidhiidhay  ayaa u xaqiijiyay in goordhawayd Suldaanka loo qaaday xabsiga Mandheera, iyagoo sheegay inay filayeen in lagu hayn doono suldaanka magalada Hargaysa, balse sababta keentay in Xabsiga Mandheera loo diro aanay garanayn.

 

Odayaashan ayaa cambaareeyay xadhiga suldaanka iyo in loo gudbiyo Jeelka Mandheera, waxana ay ku baaqeen in xoriyadiisa loo soo celiyo

 

Dhinaca kale Ciidamada Booliiska gobolka Awdal ayaa isla galabta xabsiga kasii daayay sodomeeyo qof oo u badan Dumar, kuwaasoo saaka lagu qab-qabtay mudaharaadka dhacay ee ka dhanka ahaa xadhiga Suldaan Abshir,

 

Sikastaba ha ahaatee ciidamada Booliiska Awdal ayaa rasaas u adeegsaday mudaharaadayaasha waxaana dhaawac culus uu kasoo gaadhay wiil dhalinyaro ah.

 

Hadhwanaagnews


Loading...
Loading...