Siday Shacabka Somaliland U Arkaan Barnaamijka Waxqabadka Ee Xukuumadda Muuse Soo Bandhigtay?

0
Monday December 16, 2019 - 16:43:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siday Shacabka Somaliland U Arkaan Barnaamijka Waxqabadka Ee Xukuumadda Muuse Soo Bandhigtay?

    Siday Shacabka Somaliland U Arkaan Barnaamijka Waxqabadka Ee Xukuumadda Muuse Soo Bandhigtay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siday Shacabka Somaliland U Arkaan Barnaamijka Waxqabadka Ee Xukuumadda Muuse Soo Bandhigtay?
Hargaysa(HWN):-Xukuumada Somalilad ayaa todobaadkan baahisay barnaamij lagu sheegay waxqabadka Sannadka 2019 ee dawlada uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi oo ka koobban 52 daqiiqo.

Barnaamijkan oo ay iskugu tageen Suxufiyiin aad u tirro badan, waxa ay diirrada ku saareen 174 Mashruuc oo laga fulliyey deeggaanada kala duwan waa sida ay hadalka u dhigeenne'e. Sidoo kale, waxa Barnaamijkan ka muuqatay buun-buunin badan, waxaannay Mashaariicdan laga fullin deeggaanno u badan deegaannada uu Madaxweynuhu ka soo jeeddo iyo meelo kale oo gaara oo Mashaariicda la gaadhsiiyay waa sida ay suxufiyiintaasi Barnaamijkoodda ku sheegeenne'e.


Image result for muuse biixi cabdi



Asalkabba marka laga waramaayo Waxqabadkii sanadkii tagay ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa habboonayd in bulshadda loo soo bandhiggo Barnaamij ku taxan deeggaannada Somaliland oo dhan, si ay ummadda reer Somaliland isaga wada dhex arkaan Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Biixi, hase yeeshee hadda waxa Barnaamijkan ka muuqata in deegaanno gaar ah laga fulliyay,markay siddaas tahay deegaannada laga tagay miyaannay ahayn Somaliland? Miyaannay xaq u lahayn in la gaadh-siiyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Sannadkan sii dhammaannaaya ee 2019-ka. 

Waxaa halkaas ka muuqata oo shacabka reer Somaliland wada arkayaan inaanu Barnaamijkaas lagu sheegay Waxqabadkii Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu yahay Barnaamij dhinac ka raran oo bulshadda qaarkeedna Mashaariic la gaadh-siiyay, qaarna laga tagay, waxaadse mooddaa malaha inay hilmaameenne waxay ujeeddeen 174 Baloog oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la wareegay mudadii uu Xilka joogay labaddii sanaddood ee u dhammaaday hadda.



Si kastaba ha ahaatee, Shacabka ayaa ka bixiyay aragtiyo diidmo ah oo ay ku sheegeen inay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biix Cabdi, waxaannay sheegeen inaanay Xukuumaddu qabanin Waxqabad la tilmaami karro, balse uu Barnaamijkani ahaa Buunbuunin ummadda lagu qaldaayo oo lagu jaho wareerinnaayo.

Hadhwanaagnews, Office
Hargeisa,Somaliland






Loading...
Loading...