War Deg Deg Ah: Gudidii Dhexdhexaadinta Ka Dhex Waday Muuse Biixi Iyo Mucaaradka Oo Soo Saaray Go'aamo.
Hargaysa (HWN) Gudidii dhex dhexdhexaadinta ka dhex waday xukuumada iyo xisbiyada Mucaaradka
Somaliland ayaa soo saaray qodobo uu kamid yahay In dib loosoo celiyo gudidii
hore ee Doorashooyinka Somaliland lana kala diro gudida Cusub, waana kuwan
hoose qodobada ay soo saareen gudidu
1. In lakala diro gudidii cusbayd ee doorashooyinka ee ina Riya raac Gudoomiyaha u ahaa
2. in la soo celiyo gudidii hore ee Doorashooyinka
3. in xisbiyada mucaaradka Somaliland qadariyaan Madaxwaynaha, golihiisa wasiirada, Garsoorka iyo baarlamaanka.
4. In xisbiyada mucaaradku joojiyaan waaxkasta oo wax udhimaya nabad gelyada Somaliland ama ficil ha haato ama hadalba.
Warkan Oo Muuqaala Kala Soco Goordhaw Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...