Somaliland:-Masuul Baadhis Lagu Wado Oo Xafiiskiisa Laga Hor Istaagay Iyo Mid Musuq Loo Haystay Oo Damiin Lagu Sii Daayey
Hargeysa(HWN):-Hanti dhawraha guud ee qaranka somaliland ayaa baadhis ka bilaabay wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryeynta.
Wararka ayaa sheegay in hanti dhawraha guud ee qaranku uu baadhistiisa ku tilmaansaday xafiiska agaasimaha guud ee wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur.
Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in hanti dhawruhu uu saaka ka hor istaagay xafiiska shaqada agaasime Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, talaabadaas oo la sheegay inay imanayso ka dib dhawr maalmood oo uu hanti dhawruhu baadhis ka waday xafiiska agaasimaha.
Dhinaca kale Ciidammada Booliska ayaa Xabsiga ka siidaayey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Maxamed Maxamuud oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay.
Wararka ayaana xaqiijiyey in agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta lagu sii daayey damiin, halka hore-na damiin kale xoriyadiisa loogu celiyey agaasimihii guud ee wasaaradaasi oo dhawaan is casilay.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland