Soo Bax Baa La Leeyahay Oy Sacabka leefaysaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday December 16, 2019 - 08:36:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Bax Baa La Leeyahay Oy Sacabka leefaysaa ( Abdi-Shotaly).

    Aduun-yadda waaya-heedda ninkii ogi ma adya-doodee,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduun-yadda waaya-heedda ninkii ogi ma adya-doodee,
miyaad arag-teen waali maalin kasta sii laba kaclay-naysa? Iyo indho isku qabsho ah, hadba si ku day, bal in ay kuu meel marto, ku darso oo hadh cad la isi soo qaawinaayo, hadana lagu eeday-naayo, dar kale oo aan shuqul ku lahayn baa maryaha naga furtey, sacab  la tumanaayo cadceedda oo duhur joogta, hadh-kuna gondaha ku baabasan yahay, hadana la leeyahay yaan nala arkin in aan batar isula baxnay, amin ummadu soo tuban tahay hor-toodda, oo ah yaa macsharal "Jini wal Insi" Iska dhego tir aan gabsho lahayn oo badheedh ah, sidaan doono aanu u socono, cid na sheeg-taana yaanay jirin, gebley-shimbir qorax soo baxdaba taagan iyo ciyaartii  la odhan jirey " Nin walbaw bood, oo si walba u bood" loo kala saaraayo, hadana lagu andacoo-naayo wax-ba maanu samayn iyo reer baa loo dan leeyahay, marka maamulka " Xaafad-tooyadda" ceebi-hiisa iyo waxay walaaqa-nayaan, laga war bixiyo-na cabaadka baa laga wadhayaa, misna afka boodhka la soo marsa-naayo, bal waan idin waydiiyaye sidee bay intaasi isu raaci karaan?  Akhristaw Waxa la yidhi " Maskax dameer daaq tag mooyee, dib u fiirsasho ka dedan" waa iska sidaase intan hoose ila akhriya.

 

Maaah-maah hore baa ahayd " Balaayo daamam la qabtaa bay leedahay, ee daba la qabto ma laha" haduu doonaayo in uu wax hagaajiyo, siduu doono uma uu socdeen khawalkan meesha ka fakh-fakh lihi.  Arimaha aan sare ku soo guud maray iyo qaar kaloo badan oo aan lagu soo koobi karin maqaal iyo laba-toona, weli sheeko iyo shaahid mid-na ma ku soo mareen? Waxa la yidhi "So bax baa la leeyahay oy sacabka leefay-saaye" Waali aan kala go' lahayn iyo laba-kaclayn ay askartu, cadceeddii Alle keeno-ba sii afar-qaadayaan, siddii nirgo gu' caano ka dibiray oo barwaaqo jooga, baa uumiyuhu ka yaabay fudhuq-fudhuq-doodda. aan ku soo dhawwdee, Imika waxad markhaati ka tihiin, in In ay labaddii jaahil " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani" ay laba-bilood kala direen kuwii ay dhaameelka u qaybin jireen, kuna magacaa-baan " Xildhi-baano" Waa kuwo xilkii loo egmaday xoog u dhibaye, oo dhulka la dhacaye, su'aashu waxa weeye, Wakhtiga aynu ku jirno waad ka war haysaan, oo maalin ay ka xun tahay, wixii loo soo halgamay ma jirto, xataa maamulkii Af-weyne bay kun jeer hoos ka sii xigtaa, waxana la odhan karaa oo cadaan ah, oo aanu muran ku jirin, Ina Bare baa Awliyo kaashif ah soo baxaaya iyo Weli soo daahiray, markaad waxan meesha jooga isku wadda darto ee aad barbar dhigto. Hadaan kuugu noqdo su'aasha aan sare ku sheegay jawaab-teedu waxay tahay, ee loo fasaxay  dhaameel-gurta-yaashii ( Xildhi-baano ku sheega), halkan hoose ka akhri.

 

Bishan 18/12/2019 ( waa ayaanta Arbacadda ahe), Kuwii askartu beenta wax kaga cuni jirtey, oo ka xidhay albaabka, fidh-fidh-kana u jaray, oo ku yidhi, ilaa aad jooji-saan waxa aad ku kacdeen ee ah " Xildhi-baano" ku sheeg-yadda Labadda gole ee mid-na laba sano loo kordhiyey, ka uu ku hor kaajo oday-ga magaca gaalka lihina 3 sano oo xooga ka mase ah, Komishan baaskii la isku ogaa in la eryo, ku cusub-na la doorto oo dhex ah, weliba laba xub-nood loogu daro Mucaaridka. Iyaba waa ka dar oo dibi dhale, kii balaaya-duba ka dhalatay " Ina Riyo-raac" oo bedel baaba la isku haystee, uu ula kas iyo dhafoor taabasho uga sii dhigay " Gudoomiye". Waxaas isku walaaqan ee isku cayn iyo bayd go'an, in ay xal ka gaadhaan bay u imanayaan. Hadaba si aanay taasi u dhicin buu jaahilku u fasaxay, oo aan loola kumin, oo uu ku mar-mar-siyoodo fasax bay ku jiraan, wax uu ka orda-yaana waxay yihiin, Qorshaha "Deeq bixiya-yaasha" bay ku jirtaa in ay labadda gole ee uu fasaxay isugu yeedhaan, kalana hadlaan wuxu dhabqiyey askariga bilaa caqliga ahi, waxay garaad xumidiisu siisay, si aanay ula kulmin kala dir weeyaan feker-kiisu, oo fasax baad tihiin ku dheh ( waa sidda uu siyaasad bidaye), laakiin waxa la yidhi " falaadhi gilgi-lasho kaagama godo'e" Ma waxay la tahay in cayn-kaas laga yeelaayo, oo dawer-siggii lagu siinaayo wax dambe. Qodob kale baa isna uu is lahaa ku raad gado, oo ah inta aanay imanin aad is arag-taan, labadda gudoomiye ee Ucid Iyo Waddani, si aad u tidhaaho wadda hadalo baa noo soocdda Mucaaridka, oo anaka baa dhexda-yadda ka dhamaysa-nayna, idin-kana, dabeed-na idinku soo war celinayna. tii dhici weyday, oo laga diid, lana soo hor fadhiisan maayo, ee maxay kalay hayaan labadan is daba-dhidii-qinayaa, siddii awr xidhiidhsan? Cidla bay ku xidhiidh furmeen ay bahalo ku cunayaane.

* N.B Maskax Dameer Daaq Tag Mooyee, Dib U Fiirso Ka Dedan.


Qore Abdi-Shotaly).

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...