WADDANI Oo Ka Digay Calaf Uu Sheegay In Lagu Dabar-goynayo Xoolaha Somaliland

0
Monday December 16, 2019 - 08:13:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Ka Digay Calaf Uu Sheegay In Lagu Dabar-goynayo Xoolaha Somaliland

    Dr. Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri), Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri), Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa (HWN) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka digay Calaf xoolaad ay Hay’adi Dalka keentay, kaasi oo Xisbigu sheegay inuu sun yahay oo la doonayo in Xoolaha Somaliland lagu dabar-gooyo. Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr. Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri) oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isagoo sharraxaya arrintaasi wuxuu yidhi "Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena, mar hadday xooluhu laf-dhabarta dhaqaalaheena yihiin waa in Dawladda iyo dadkuba loo foojignaado.”

Dr. Shugri waxa kale oo uu sheegay "Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hay’adi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan. Ninkaasi wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso..”

 


Loading...
Loading...