Dawaladda Ingiriiska Oo Dalkeeda Ka Mastaafurisay Nin Ay Walaalo Yihiin Orodyahanka Caanka Ee Mo Faarax

0
Monday December 16, 2019 - 08:01:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawaladda Ingiriiska Oo Dalkeeda Ka Mastaafurisay Nin Ay Walaalo Yihiin Orodyahanka Caanka Ee Mo Faarax

    London (HWN) – Dawladda Ingiriiska ayaa Dalkeeda ka Mastaafurisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (HWN) – Dawladda Ingiriiska ayaa Dalkeeda ka Mastaafurisay
Nin ay Walaalo yihiin Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah, kaasi oo Magaciisu yahay Axmed Faarax, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail. Ninka la Mastaafuriyey ayaa muddo 4 sanadood iyo Badh ah ku soo qaatay Jeelka oo uu galay sannadkii 2010-kii, ka dib markii lagu eedeeyay inuu Qof Tooray ku geliyey Galbeedka Magaalada London.

 

Ninkan oo da’diisu tahay 30 jir ayaa waajahay daruufo, waxaanu ka qoomameeyay khaladka uu sameeyay sida uu ku sheegay Waraysi uu siiyey Wargeyska Sunday Mirror  "Waxaan sameeyay Khalad weyn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Laakiin, maxaa labada jeer la iigu cibaaqayaa waxa aan sameeyay..” Wargeyska Daily Mail iyo Warbaahin kale ayaa sheegay in Ninkan ay Dawladda UK kala noqotay Sharcigii dhalashada isla-markaana loo Mastaafuriyey halkii uu ku dhashay. Axmed wuxuu sheegay oo kale inaanu Walaalkii Mo Farah aanu la hadlin muddo 10 sanadood, laakiin uu la yaaban yahay in Walaalkiisa sidaa caanka u ahi uu isaga ka soo horjeedo.


Loading...
Loading...