Faallo:-Beesha Arab oo Faro-madhan Ka Jooga Saamiggii Xukuumaddeed ee Madaxweyne Biixi!.
Hargaysa(HWN):-Beelaha Arab Sheekh Isaxaaq oo ka mida

beelaha waa
wayn ee reer Somaliland, isla markaanna ah beeshii u jilib-dhigtay ee
deegaannadeeda ku marti-gelisay Halgankii hubaysnaa ee dib ula soo
noqoshadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Farro madhan ka joogta
Saamiggii ay ku lahaayeen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,
maaddaama oo dawladnimadda Somaliland ay ku dhisan tahay heshiis ay
beelaha Somaliland ku heshiiyeen oo ahaa in si siman loo qaybsaddo
dhismaha dawladdeed, isla markaanna la ilaaliyo isku dheellitirka
Kurraasta Xukuumadda, Hay'addaha kale ee ka farcama iyo dawladdaha hoose
intabba.

Waxaase muuqata oo aan murran ku jirin in tobankii sannadood ee u
danbeeyay uu is beddel wayni ku yimid Saamiggii iyo wax qaybsigii
beelaha ku dhaqan Soomaalilaand, iyaddoo ay Xukuumaddihii u kala
danbeeyay hoggaaminta dalka ee Xisbiga KULMIYE ay hannaankaas ka
leexdeen, isla markaanna ka door biddeen qarraabo-kiil, eex iyo
sedbursiimo aan gabasho lahayn oo Madaxweynaha hadda joogga iyo
Madaxweynihii ka horreeyay-ba u sameeyeen beelaha ay ka soo kala
jeeddeen, taasoo Ceeb iyo Fool-xumo ku ah Wada-jirka, Midnimadda iyo wax
qaybsigii ay heshiiska ku ahaayeen beelaha wada degga Somaliland. Sidoo
kalenna, waa hab-dhaqan taban oo la hubbo inaanay Somaliland ku
tannaadayn horenna ugu, soconayn Siyaasaddaas gurracan ee uu wali
dariiqeedda hayo Madaxweynaha hadda gacanta ku haya taladda iyo
hoggaaminta ummadda Somaliland Muuse Biixi.
Haddaba, beelaha Arab Sheekh Isaxaaq oo ka mida beelaha ku dhaqan
Somaliland, gaar ahaanna Caasimadda Hargeisa iyo deegaannada ku xeerran
waxa cad oo aan la dafirri karin in laga tirtirray oo qorshahabba laga
saarray Saamiggii Xukuumaddeed ee ay lahaayeen, taasoo la odhan karro
waxa u sabab ah talo xummaanta iyo tafarraaruqa dhexdoodda ka jira,
waxaanna muuqata inaanay faham wanaagsan u lahayn siyaasadda ku dayga ah
ee uu kula dhaqmaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Beelaha Arab Sheekh Isaxaaq inay fahmi karri waayaan dagaalka
siyaasaddeed ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxa u sabab ah doorkii iyo
kaallintii ay lahaayeen Madax-dhaqmeedka beelahaasi oo meesha ka baxay,
kadib markii ay noqdeen dhadhamo raac, isla markaanna shaqaddoodii
noqotay inay isku hawlaan danahoodda gaarka ah iyo hadba meeshii ay wax
ugu jiraaan. Hoggaanka dhaqanka ee beelaha Arab waxay lumiyeen
wada-jirkii iyo ku adkaantii danaha beesha Arab, iskabba daa inay ku
adkaaddaane xitaa iyagaan Sallaanta Waajibka ah iska qaaddin, kamanna
dhaxayso Wada-tashi iyo xidhiidh joogto ah oo ay kaga arrinsannayaan
danaha iyo arrimaha khuseeya beesha Arab ee ay Madax-dhaqmeedka u
yihiin, waanna sababta keenay in beesha Arab saamiggii ay Xukuumadda ku
lahayn la duudsiyo. Sidoo kalenna, laga tirtirro Maamulkii gobolka
Marroodi-jeex, Garsoorkii iyo dawladdaha hoose.
Si kastaba ahaatee, Hoggaanka dhaqanka ee beesha Arab,
Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo dhallinyaradda beel-weynta Arab waxa la
gudboon inaanay qaaddan Cad quudheed iyo wax aaan u qalmayn
meeqaamkoodda, isla markaanna aannay Indhaha ka qarsan dawladdnimaddii
ay dhiiggoodda u shubbeen in hadba Madaxweyne xaarraan ah oo qabyaalad
lagu soo doortay aannu uga faa'iiddayn Qoyskiisa, Xididkiisa iyo
Qabiilkiisa.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...