Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka Oo Kulamo La Qaatay Culimada Iyo Macalimiinta Boorama.

0
Tuesday March 26, 2019 - 20:42:42 in News by
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka Oo Kulamo La Qaatay Culimada Iyo Macalimiinta Boorama.

    Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka Oo Socdaal Ku Jooga Boorama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta Aids-ka Oo Socdaal Ku Jooga Boorama


Hargeysa(HWN):-Masuuliyiinta komishanka xakamaynta Aids-ka oo kormeer shaqo ku jooga magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa kulamo la qaatay culimada iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare ee magaaladaasi.





Masuuliyiinta komishanka xakamaynta Aids-ka oo ay hogaaminayaan agaasimaha fulinta Naasir Ayjeex Jaamac iyo kormeeraha guud ee komishankaasi ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa u kuurgalka goobaha caafimaad ee lagu daryeelo dadka xanuunka Aids-ka qaba.


Masuuliyiinta komishanka xakamaynta Aids-ka ayaa kulanka koowaad la qaatay culimada Boorama kuwaas oo ay kala hadleen inay qaataan doorka ay ku leeyihiin wacyigelin la siiyo bulshada boorama isla markaana dadka ka wacyigeliyaan goobaha cibaadada.


Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal oo kulanka ka hadlay ayaa culimada ku dhiirigeliyey inay la shaqeeyaan komishanka xakamaynta Aids-ka isla markaana kaalinta looga baahdo.




Agaasimaha fulinta ee komishanka Xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac oo ka hadlay kulankan ayaa u soo jeediyey culimada inay kala hawl galaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa khatarta xanuunka iyo inaan la faquuqin dadka uu ku dhaco.


Culimada magaalada Boorama ee kulanka qayb gashay ayaa dhankooda iska dabaray inay soo dhawaynayaan wada shaqayn ay la yeesheen komishanka Aids-ka isla markaana ay wacyigelintana kala qayb galayaan.




Sidoo kale masuuliyiinta komishanka Xakamaynta Aids-ka ayaa kulan kale la qaatay macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada sare ee magaalada Boorama, kuwaas oo u gudbiyey fariimo loo baahan yahay inay ardayda gaadhsiiyaan.


Kulankan ayaa macalimiinta dugsiyada sare lagu adkeeyey inay ardayda ka saaraan fikradaha qaldan ee xanuunkan laga aaminsan yahay, iyada oo si gaar ah loogu dardaaray inay ardayda ku wacyi geliyaan inaan wax dhib ah loo gaysan dadka uu xanuunkani asiibay.

Loading...
Loading...