17 jir xabsiga aan waxba u arkeen iyo dhibaatooyinka ay waalkdood ku hayaan

0
Sunday December 15, 2019 - 15:38:37 in Articles by
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17 jir xabsiga aan waxba u arkeen iyo dhibaatooyinka ay waalkdood ku hayaan

    17 jir xabsiga aan waxba u arkeen iyo dhibaatooyinka ay waalkdood ku hayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17 jir xabsiga aan waxba u arkeen iyo dhibaatooyinka ay waalkdood ku hayaan


Habeen dhowayd ayaa nin aanu sxbnahay ku qabteen xaafadaha dhexdeeda ciyaalka Mobilada dhaca, marka isku duubeen waxa uu ku tuurey mobilekii guri uu ag marayey, markii ay arkeen inuu tuurey bay iskaga carareen, isna kama hadhine wuu daba cararay si uu u garto wajigooda, haseyeeshee dhagaxaan bay iskaga reebeen ka dibna sidii bay ku baxsadeen.

Natiijada sawirka barkhad ladiif


Wiil galayey gurigii lagu tuurey mobil ka ayaa la kulmay mobile daarada yaalla, inta uu soo qaaday buu la soo baxay, wiil kale oo kuwan cararay la socday ayaa kii mobile la soo baxay ka qaaday oo iska dhigay nin tuug ay ka qaadaysay oo guriga ku tuurtay markii uu siiyey ayey gabadh arkaysay oo goobta joogtay ku qaylida oo ay sheegtay in aanu isagu lahayn, ka dibna wiilkii baa ka reebay isagoo haya ayaa ninkii mobileka laha soo noqday ka dibna markay garteen bay siiyeen.


Ka dib dabagal aanu samaynay waxaanu soo raadinay ciyaalkii tuugta ahaa oo qaarkood la noo gartay, laba habeen ka dib isagoo mid ka mid ah tuugtii oo kaabad fadhiya oo u muuqda inuu daroogo isticmaalayey banu ugu nimid, waxa uu gartay ninka na waday, waxaan u sheegnay in ninkii ay habeenkii dhowaa baadhanayeen aanu nahay oo nabaro ay gaadhsiiyeen, wuxuu aayar iska yidhi wixiii idin soo gaadhay hooyaday u doonta, raalina noqda.


Waanu ka diidnay waxaanu ku nidhi waanu ku xidhaynaa, wuxuu yidhi " I xadhiga aniga garanaya sidaan uga soo baxayee, wixii khasaare idin soo gaadhayna hooyaday u doonta.


Markaanu aragnay xaaladda uu ku jiro iyo sida dan uga lahayn xadhig iyo khasaraha waalidkii ayaanu iskaga tagnay.


Baadhitaankaasi aanu galnay waxaanu ogaanay in ciyaalkaasi yaryar oo da’dooda ku qiyaasnay 17 jir inay barteen balwadaha xashiishada oo mobilada ay xadaan ku iibsadan xashiishada hadii la xidho iyo hadii kalana ay iskugu mid tahay.


Halka qaarkood marka la xidho in kuwo dibada jooga ku biiliyaan kuwo xidhan oo inta uu xidhan yahay oo dhan kuwii dibada joogay cuntadiisa iyo wax kasta oo uu u baahan yahay qabaan.


Ciyaalkaasi hadii aan inta dhow yihiin la qaban waxa ka faa’iidaysan kara dadyow badan taas oo khatar badan ku noqon karta amniga.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...