Dhex-dhexaadin Maahee Waa Hoosaasin ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday December 15, 2019 - 09:06:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhex-dhexaadin Maahee Waa Hoosaasin ( Abdi-Shotaly).

    Waxa uu yidhi Ibrahim Gadhle ( Ihun) " Nin ku yidhi masaan nahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu yidhi Ibrahim Gadhle ( Ihun) " Nin ku yidhi masaan nahay,

mar la qaad talaabadda, maal aad la leedahay, yuu ku cunin is-mood-siis, haduu tiisa maamulo, adna taadda maaree, maaleey haduu yahay, mur ka sii qadhaadh noqo" Hore-na wax loo yidhi " Nimaad qali, qaumuun-yadda ka dhawr, oo foolasha u qaawi, qadacaa ilkaha yuu arkine, hawba kala qaadin, qosol been ah iyo qoobab dhawr, baan kuba qaxway-siine, qabta aan u dhigo maalintuu, qoobka soo geliyo, ee qawdu ay yeedho baan, qaadir mahad-shaaye" Ugaas Nuur ((Ihun) isna wuxu yidhi isaga oo ka hadlaaya, ninka u daran, ee ay birta isla gaadayaan, hadana aan la isku caday-naynin, ee la iska gondo og-yahay uurka, misna aan lays tusayn cadaawadda la isu qabo, ee diinga-diingaha la isu ciyaaraayo, la isu dabaal joogtay-naayo, kolba ka fursad u hor helaana uu ka kale gawraca ugu joogsa-naayo, naf-na la isu hayn ee ay u kala dhamaatay, hadana aan la isu badhee-dhayn, ee khiyaamo la isku wanjalo uun la isu maleegaayo. baa wuxu ka waramay, noocaas siduu ula socdo iyo qaabka uu u dilo, markuu u soo gacan galo, ee uu dabinkii loo qoolaayey ugu soo dhaco, ilayn waa halkii lala sugaayeye, hadaba isaga oo arima-haas qaadaa-dhigaaya " Ugaas Nuur", baa waxa tix-diisii cajiibka ahayd ka mid ahaa " Allahayaw nin ii daran, maxaan daafta hore seexshay, Naftu nimaanay doonayn, maxaan hadalka deeq-siiyey, markuu dabinka ii gallo, maxaan kaga dayaan-siiyey", Waxa kale oo aan damcay in aan far waaweyn idiinku qoro. hadal uu yidhi Hadraawi oo ahaa " Nin ku yidhi sinaan mayno, adna diid sarayn-tiisa, Sad qudhaa wadaag-taane, ma sagaashan baa tiisu?"  Murti baa iyana waxay leedahay " Rag kuu shirey, rafiiq nimad tihiin, tallo lagaa reebay, meeshaan lagaa rabin, indhaha lalama sii raaco", Waxay mid kale-na inoo sheegaysaa " Masalaha nimaan ii dhigayn, oon midigta ii taagin, Meeshuu maraaya-ba, nin-kaan maanka igu haynin, oo aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho"  Muwaadin halkan hoose ka akhri ujeedadda aan ka leeyahay, xaajoo-yinka aan sare kuugu bayaamiyey.

 

Khristaw sidani maaha dhex-dhexaadin, ee waa hoosaasin sidda u taala, kuwa ina leh anaka baa is xil-qaanay, oo isugu keen sheegaaya wax ay isu bixi-yeen magac la yidhaaho  " Gudidda dhex-dhexaa-dinta", waa ina wax-ba kama jiraan, waa qaadkii la odhan jirey " Cawsle La muuseeyey" shaadh kale bay gashan yihiin ee yaan dheg loo dhigin, Waxa kale oo ay la mid yihiin, micnihii ku jirey maah-maah-dii ahayd " abeeso-na dhul u eki bay kugu dishaa, wadaad-na dad u eki" taas oo micna-heedu yahay, ha yeelin waxa la isaga kaa soo dhigaayo, ee si weyn uga digtoonaw, waa laguu gal-galana-yaaye, runa ha moodin oo yaan kolba laguula iman, ayaan-ba weji cusub oo kii hore ka duwan, laguugu meeraysan wax ad sii og-tahay, oo ah in aan askariga wax ka go'in, iyaka oo xabaal kuu qodaaya hadaan kuu ilko caday-naaya. Yaan ku daalin aaraar dheere, aan dib ugu soo noqdo waxa ay yihiin kuwa sare aan ku cayimay ee gudidda sheega-nayaa. Bal is weydiiya oo intay imika geb-geb-leeyihiin, ilayn way joogeen markii ay labadda askari ee kala daran maskax xumidda, waxay doonayeen walaaqana-yeen, maxay u soo fara-gelin waayeen? oo u odhan waayeen daaya khaladka indinkaa wax khari-baayee? Ee markii lagu jiq-siiyey ay qanqalka ula soo kaceen? Adiga baan kuu daayey akhristaw jawaabta aad isku qancisaa siday kuula ekaato, ama wixii aabahaa dilay weli ku soco, oo ah bahasha aynu isla wadda fahmayno, ee la isugu sacab garaacaayo.

 

 Anaa kuu sheegaaya waxa soo kiciyey hadaba'e waxa la yidhi " Ilka abeeso hoos bay ka xidhiidhsan yihiine" sidaan hore idiinku sheegay, ee ahaa in ay bishan 18/12/2019-ka ay imanayaan Hargeysa, Wadanadda loo yaqaano  " Deeq bixiya-yaasha", oo gebi ahaanba faraha kala baxay, joojiyey-na dhaqaalihii jeebka lagu shuban jirey, ee beenta lagaga qaadi jirey. si ay uga gal-gashaan, oo mar kale loogu sii daayo, wixii loogu tallo galay in lagaga caawiyo. Doorashooyin ku sheega been-benta ah baa la qabanayaa, Komishan baas ee laaluush qaataha ah, ee amarka laga soo siiyo "Xaafad-Tooyadda", Maleeshi-yadda shicibka loogu adeegto, laguna cabudhiyo ee la yidhaaho RRU iyo goob jooga-yaashii caalamigi ahaa ( Muraaqi-biinta), baa hoosta laga soo direy kuwan, oo lagu yidhi, waxad isu ekaysii-saan qaar daacad ka ah, oo dhex-dhexaadin wadda " Kuwaas noo imanaaya baanu u sheegaynaa " In aad nagu dhex jirtaane", oo aan iskaga diray-naaye, intay na soo gaadhayeen, Mucaaridka ku mash-quuliya anaku cid-na lama socono, oo ah been aanay wax ka jirin, ee isu hoos gelis ah iyo dhalan-teed loo dhigaayo " Deeq bixiya-yaashu" Way ka horeeyaan askartan jihaddii ak habawday, waxana ay isu ahystaan in ay cid khaldi karaan, ilayn madaxu wuu iska dul saaran yahaye. Waxan ku soo jray qoraalkan, yaan dheg loo dhigin kuwan ku warwa-reegaaya dhex-dhexaadin baanu wadnaa, waa sheeko la isla og-yahaye.




* N.B Nin Ku Yidhi Sinaan Mayno, Adna Diid Sarayn-Tiisa, 

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...