Dhul gariirka Ingiriiska & xisbiyada Somaliland
Doorashada ka dhacday dalka boqortooyada Ingiriisku
waxay keentay dhul
gariir siyaasadeed oo dad badan lama filaan iyo amakaag ku noqday.
Xisbiga asal raaca (muxaafidiinta) ee raiisal wasaare Johnson ayaa helay
gushii ugu waynayd ee ay helaan muddo ka badan 30 sano (Guushii 1987 ee
marwo Thatcher ka dib). Xisbiga siyaasad ahaan xagga bidixda ka yar
xiga ee lagu magacaabo xisbiga shaqaalaha waxa ku dhacay jabkii ugu
waynaa ee muddo 80 sanadood ah soo gaadha. Waqti ay dadka Ingiriisku
aad u qaybsan yihiin. Waxana dadka qaybiyey arrinta rabitaanka ka
bixidda Midowga Yurub.
Suaashu waa: Maxaa mideeyey dadkii sida xun u qaybsanaa ee dhinaca
xisbigaa guulaystay u wada jeediyey? Muddo 4 sano ku dhawaad ka hor ayay
dadku aqlibiyad yar ugu codeeyeen in midowga Yurub ka baxaan. Iyadoo
Yurub aad iyo aad iskugu xidhan oo dhinac walba isku tiirsan: xag
dhaqaale, siyaasad iyo ammaanka iyo nabadgelyadaba. Waxa gorgortan dheer
laga galay sidii loo furfuri lahaa xadhkahaa Yurub iyo Ingiriiska isku
xidhxidhaayay. Mana aha arrin fudud waa arrimo u baahan in laga
heshiiyo. Dhinaca midowga Yurub waxa ka odayaynayay hoggaamiyayaal mayal
adag oo raba inay Ingiriiska cashar adag u dhigaan si ay ugu cimro
qaataan ciddii kale ee guux goosasho ku jiro. Arrinta kale ee looga
jimcin waayay Ingiriiska waxay ahayd, iyadoo la ogyahay qaybsanaanta
siyaasadeed ee Ingiriiska. Oo la rajaynaynay haddii cagta lagu sii hayo,
in Ingiriiska mar 2aad afti laga qaadi doono oo markan dadka Yurub
rabaa guulaysan doonaan. Arrintan ku jiq siidu waxay Ingiriiska ka
galaafatay 3 xukuumadood iyo 2 raiisal wasaare.
Dadka Ingiriisku waxay khaati ka joogsadeen muranka badan ee
xisbiyada oo arrintoodu noqotay is jiid-jiidasho iyo gacmo daalis.
Waxaad ku qiyaasi kartaa xaaladda xisbiyada dalkeena.
Ololihii doorashadan raiisal wasaare Johnson wuxuu ku galay mowqif
cad, oo uu ku cabbiray hal-ku-dheg fudud. Halka xisbiga shaqaalaha aanu
moqifkiisa ku saabsan, ka bixidda midowga Yurub, uuna caddayn.
Hoggaamiyaha xisbigani mr. Jeremy Corbyn wax uu rabo iyo wax u diiddan
yahay, dadku way fahmi waayeen; wuxuu noqday Cirraha (guddoomiyaha
xisbiga waddani ee Somaliland) oo kale. Dadku sii ay uga gudbaan
murankan badan ee xisbiyada waxay u jahaysteen oo ay u codeeyeen hal
xisbi oo mowqifkiisa caddeeyey. Dad aan ab ka ab aan xisbiga muxaafidka
ah u codayn ayaa markan u codeeyey. Arrintan oo wadno gariir ku ridday
hoggaamiyayaashii Yurubta kale ee ku macangaga ah midnimada Yurub.
Arrintan Johnson waa inay mdxwayne Muuse iyo baarlamaanku ku daydaan
oo ay furaan ururada siyaasadda si ay xisbiyo badani ugu tartamaan
doorashada.
ALLA maanta shicibka Somaliland cashar bay u dhigi lahaayeen 2dan
xisbi-mucaarid ee qabiilka isku bahaystay, ee dhaqanka ka dhigtay cayda
iyo ceebaynta qaranka Somaliland. Waana fursad cashar loogu dhigi lahaa
xisbi kasta oo dan qabiil ama shaqsiyeed ka hormariyey danta guud iyo
qaddiyadda Somaliland.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...