Raage Ugaas Iyo Amaanta Awrka Reerku Rarto:

0
Sunday December 15, 2019 - 08:55:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raage Ugaas Iyo Amaanta Awrka Reerku Rarto:

    Geela oo ah laf-dhabarta umada soomaliyeed ayuu abwaanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geela oo ah laf-dhabarta umada soomaliyeed ayuu abwaanku
ku muujiyey qiimaha uu leeyahay si gaar awrka gurgurshaaga ama hayinka ah ee reerku rarto xiliga uu geediga yahay.

Helida geela soomalidii hore waxay u mari jirey surinkasta oo cidhiidhyoon kaas oo mararka qaar lagu dhib mudan karo nafta lagu waayi karo waa kii abwaan asban xasan derri lahaa:

·       Bada jiidhayaa iyo bariga jaanata mariyaaba

·       Walee jacaylkaan geel u qabo waw jirabi ruuxa.

Sidaa si lamid ah waa kii abwaan maxamed cali  marku wiilkiisa qiimaha geela uu uga waramayey waa kii ugu soo daray inu geelu mudan yahay in loo dhinto oo nafta loo waayo waa kii lahaa:

·       Adigaa marqara moodayiyo maahir shay fudude

·       Muskuun baad ku aragtee ma ogid hawsha loo maraye

·       Ma hantiyo abiidkii ninkaan mawd u jiidiniye

·       Musuqmaasuqbaa lagu helaa tii hablaa mudane

·       Anba meherka kii hooyadaa maal kamaan bixine

·       Maandhoow I maqal talada waa loo miriyaaye.

 

Raage ugaas warfaa wuxu kusoo bandhigayaa geeraar macaan badan isagoo geela ka amaanayaa dhinacyo badan sida quruxda uu leeyahay iyo sida ninka leh ugu laab qaboobo.

Wuxu sidoo kale soo bandhigayaa sida uu geelu kaaga samato bixiyo meelaha adadag, lafdhabarna ugu yahay nolosha dhamaanteed, gebogabada wuxu aad u amaanayaa qiimaha awrka rarayga ah ee reerku rarto kaas oo eebe weyne awood u siiyey inu qaado wax aanu tolkaa kuu qaadeen.

Abwaanku ararta gabayga ayuu kaga waramay magacyo badan oo geelu leeyahay sida reero gobeeya, gooha wanaaga, xunbadii gadfanayd iyo qaar kale oo kasii mudan.

·       Gucgucdeeda arooryiyo

·       Isku gaagixinteeda

·       Aaway gooha wanaajaay

·       Gurxankii habilaad?

 

·       Hadii giirku dareero

·       Barwin loo ganbaraasho

·       Adhina boodka ku gaabto

·       Guduudkeeda arooryo

·       Indhaha waa gashigoode

·       Aaway reero gobeeyaay

·       Xeryihii ginginnaa?

 

·       Cirka oo gadawaamay

·       Dhulka oo gasariiray

·       Dhirta oo gabalkeed iyo

·       Garaskiiba hadh waayey

·       Caanihii gaasir noqdeen

·       Iyadaa la gumriyoon

·       Qareenkeeda gabayne

·       Aaway geedaha laacaay

·       Xunbadii gedfaneyd?

Hayaanka dheer awrka rarayga ahi waa ka reerka kasamoto bixiya diraacaha kul-kulul iyo abaaraha iyo ooda lululka, kaas oo qaada reerka dhamaantii, caruurta yaryar ee aan socod baran, waalidka gaboobay ee aan socod tahli karayn, xoolaha kuwooda jilicsan ee iyagana socod lagala quustay, iyo dhamaan agabta reerku ku aqdaanto ee uu ku shaqaysto waxaanu yidhi raage:

·       Gabxo daalaliyaad oo

·       Gasaar looga hayaamay

·       Kolka waagu guduuto

·       Koronkeeda la gaato

·       Hadaan soo garbaduubo

·       Ganka loo kabadeeyo

·       Anbaalkii gudbanaa iyo

·       Gantaaloow udubkii

·       Xadhko loogu guntaayoo

·       In gadaanliyo dhiiliyo

·       Garadii waxartii iyo

·       Gurboodkii yaryaraa iyo

·       Gardhaalay nirigtii iyo

·       Midka gaadha tolaayiyo

·       Kan gamuunka duleeshiyo

·       Gaalefeey mididii iyo

·       Intaasaan guradiisa

·       Gaarba gaar u dhigaa

·       Dhigihii godgodnaa iyo

·       Lamadii gedfanayd

·       Hadii aan gebku siiyo

·       Xadhigiisa u giijo

·       Asaan heega ka gooyo

·       Galow buu ukacaaye

·       Hadii wiilku garqaado

·       Guurguurtoow lama gaadhee

·       Aaway gaatamihii?

 

Waxa qorey: cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish)

[email protected]                           0634240189

 

Loading...
Loading...