Wasiirnimo Waa (Chicken Feed) Shacab Ma Walaalayso.Dawlad La Wadaleeyahay Baa Shacab Walaalaysa.
Markaynu dhinaca yara dhigno Taariikhdii Muse ilaa Xukuumaddii
Cabdirahman Tuur, tii Cigaal iyo tii Riyaaleba waxaynu u soo joognay
tii Siilaanyo iyo dhibaatooyinkiisii iyo murankiisii iyo
dagaalankiisii maqaamka hooseeyey ayeynu shacab xumaanteenu maanta
shookaantii wadanka u dhiibnay Durba labadii sano ee u horeeyey
haddaad isu geyso waxaa muuqda (reflection) aad u foolxun oo beeshii
caalamka ay ficilooyinkiisa la biyo diideen oo mandaqadda uu khataro
cusub ku keeni karo sida dhaqsaha leh ee uu distoorkii wadanka u
laalaabayo. Wuxuu awoodii kala wareegay Maxkamaddii Sare ee joojin
lahayd, wuxuu mariiqii ka siibay Baarlamaankii joojin lahaa Distoor
jebinta oo kordhin qayrul sharci ah kula heshiiyey , guurtidii oo iyadu
horeba u dhimatay oo si xaaraan u qaadata lagacta cashuurta dadka
iyadoo aanay wadanka waxba ugu filayn oo dimuqraadiyaddii ceebeeyey
doorasho diiday kolba kii kursiga yimaadana kordhin xaaraana ula diyaara
ah mid waloo ka mida waa in shacabku dagaal la galaan oo xanuujiyaan.
Imika waxay maraysaa asxaabta mucaaridka looma baahna, wasaarad walba
reer qudhaa ka shaqaynaysaa iyo hay and kasta soconmaayaan waxaasi
dadkiina waa kuwaa bilaabay inay Mogadishu u qaxaan una shaq tagaan,
waxaana soo socda in ay Mogadisho lagaga dhawaaqii doono xoraynta
SOMALILAND oo markaa ay difaaca Xukuumadda Muse reerkoodu ha diyaar
garooobaankeligood difaaca shaqooyinkooda. Eega Madaxtooyada
shaqaalaheeda iyo madaxda uu ciidamo ka dhigtay iyo kursi kasta uu reer
koodii dhigay dadka kale ma faraajiinbaa. Adduunka Xukuumadda shacabku
dagaal la galo oon dumin lama arag , markaa nin jecel iyo nin necebba
Xukuumadda Muse ee qoysnimada iyo hunguri xumada muujisay way dhacaysaa
dadkuna wuu nacayaa marka dhillinyaradu Mogadisho Reerkooda uga soo
diraan biilka reer walba xamar buu jeclaanayaa arooskii Hargeysa ka
dhici lahaa Mogdishuu ka dhacayaa waana loo qulqulayaa waana la hubaa
taa.
Dhalin yaradii rag iyo dumar Mogadisho shaqooyin baa loogu yeedhayaa
oo ciidamadaa la qorayaa oo weriyaal baa ay noqonayaa oo gobola doodaa
shaqaale loogu soo dirayaa Sool, Sanaag iyo Awdal marka xiga Hargeysaa
loo soo diri indhaheenna oo shana. Dhalinyaradii jaamacadaa dhammeeyey
noolkii Xamar bay urur sanayaan maanta.
Miskiinkankan ay Muse isku reer ka yihiin ee dadka uga dhigaya in
wasiirnimo reer SOMALILAND ku soo heshiiiyeen waar beenta ha qoran
wixii reer SOMALILAND ku soo heshiiyey Dawlad la wada leeyahay bay ahayd
waa xaaraan iyo talo boob iyo maal boob iyo maamul boob DAWLADDU WAA
SHAN DHARDHAAR SHANTAASI WAA MADAXWEYNAHA IYO MAXKAMADDA SARE IYO
GUURTIDA IYO GENERALKA CIIDAMADA IYO MADAXDA CIIDAMADA EE GOBOLADA IYO
MADAXDA BOOLIISKA iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo madaxbannaan INTAA
MARKA REER QUDHI ISKU TAXO EE JOOGTEEYO EE CID KALE U DIIDO
CADDAALADI DHIMATAY DOOROSHO DHIMATAY KOMISHAN DHIMAY HAYADO IYO
SHAQOOYIN LOO SIMANYEY DHIMMATAY WAX KASTAA DHINTE. INA SULUB WASIIR
KAAD SIISAY WAA CAY BAY KU TAY GARXAJIS IYO REERAHA KALEE WASIIR KA LOO
TUURTUURAYO WAXAA SOO DHAN DAWLADII XUMAA EE ADDUUNKA KU SOO DUMAY BAA
SAMAYNAYSAAN WAXAASI waa (chicken feed) waa cadka yar yar ee digaagga
loo tuuro INA SULUB KAAD SHEEGAYSAAN MAANTA DIGAAGAD BUU LA QIIMAYEY
GARXAJIS WAX GARADKIISA.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...