Ujeedada Fariin Uu Muuse Biixi Udiray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Ingiriiska

0
Sunday December 15, 2019 - 08:23:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Fariin Uu Muuse Biixi Udiray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Ingiriiska

    Hargeysa (HWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd
Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal-wasaare Boris Johnson, kadib guusha uu ka gaadhay doorashooyinkii ka dhacay dalka Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in ay jiraan cilaaqaad taariikhi ah iyo dano ay wadaagaan Somaliland iyo dawlada Ingiriisku.

Mr Johnson, Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska oo si weyn guul uga gaadhay doorashadii dalkaasi ka dhacday dorraad ayaa farriin Madaxweynaha JSL Md Muuse u diray ku hambalyeeyey guusha xad dhaafka ah ee uu gaadhay.



Fariin bartiisa Twitter uu ku qoray Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi ayuu ku yidhi, "Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkeeda, hambalyo Raysalwasaare Boris Johnson, guushaada xad dhaafka ah.”


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa farriintiisa xusuusiyey Raysalwasaare Mr Johnson inay jiraan danno iyo cilaaqaad dalalka Somaliland iyo Ingiriisku wadaagaan, isagoo yidhi, "Somaliland iyo Ingiriiska waxay lahaayeen cilaaqaad taariikhi ah iyo dano ay wadaagaan.”


Gebagebadii Madaxweynaha JSL ayaa saadaaliyey in guusha Mr Johnson, raysalwasaaraha Ingiriisku dardargelin doonto xidhiidhkii Somaliland iyo Ingiriisku lahaayeen, waxaanu yidhi "Waxaan rajeynaynaa inay tani (xidhiidhkaasi) ku sii horumari doonto si weyn marka loo eego hoggaankaaga wanaagsan.”


Farriinta Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa kadib guul xisbiga Muxaafidka Ingiriiska iyo hogaamiyahooda Mr Boris Johnson si weyn ugu guulaysteen doorasho khamiistii dalkaas ka dhacday.

 

Loading...
Loading...