Puntland Oo Go'aan Ka Nixiyay Farmaajo Ka Qaadatay Sharciga Doorashooyinka Somalia
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato
"Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xidhaa, hadii la leeyahay ma xidhmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihin xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yidhi Deni.
Madaxweynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa raaciyey: "Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yidhaahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”.
Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba "ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”.