Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Waddani Oo Dhalinyaradda Caasimadda Shiriyay.

0
Saturday December 14, 2019 - 20:47:50 in News by
  • Visits: 2732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Waddani Oo Dhalinyaradda Caasimadda Shiriyay.

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Waddani Oo Dhalinyaradda Caasimadda Shiriyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Waddani Oo Dhalinyaradda Caasimadda Shiriyay.


Hargaysa(HWN)Dhalinyaradda ku dhaqan magaaladda hargaysa ayaa maanta waxa kulan laysku xog-waraysanayay u qabtay masuuliyiin ka socday hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee waddani.


Dhalinyaraddan ayaa kulanka loo qabtay waxa uu ku saabsanaa sidii layskaga xog-waraysan lahaa xaaladda dalka ka taagan khilaafyadda murugsan ee doorashadda iyo khilaafka gudida doorashadda ee cusub kow ka yahay.



Guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa kulankan soo qaban-qaabiyay taas oo layskula lafo-gurayay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin in khilaafyadda taagan ay ka qataan doorkooda muujiyaan taageeradda ay xisbiga waddani u hayaan.


Kulankan ayaa intii uu socday waxa diiradda lagu saaray arimo badan,waxaana guddoomiyaha gobolka maroodi jeex ku wehelinayay xoghayaha guud ee xisbiga waddani khaddar Cabdi Xasan.

Kulankan oon saxaafadda loo ogolaan ayaa haddana xogaha ay hadhwanaagnews helaysaa sheegayaan in tahay sidii dhalinyaradda iyo xisbiga layskugu xidhi lahaa taas oo udub dhexaad wayn u ah yoolalka xisbiga waddani.



HadhwanagNews


Loading...
Loading...