Ujeedada Kulan Wasaarada Gaadiidku La Yeelatay Shirkado Utartamaya La Talinta Dhismaha Waddada Boorama Ilaa Lawyo-caddo
Development Agency), ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay saraakiil ka socday lix shirkadood oo ku tartamaya
qandaraaska La-talinta mashruuca lagu dhisayo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Boorama, Fardaha iyo
Lawya-caddo, taasoo uu dhismaheeda maalgelinayo Baanka Horumarinta Afrika.
Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Mr. Axmed Yuusuf Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa
sheegay in shirkado tiradoodu ka badan tahay ilaa lixdan (60) shirkadood ay araaji u soo qorteen tartankan,
balse ay ugu dambayntii liiska ugu dambaynta ah ku soo baxeen lix shirkadood oo qudha, kuwaasoo iyaguna geli doona tartan kale oo ay soo bixi doonto hal shirkad oo qaadata mashruuca La-talinta dhismaha waddada
isku xidhaysa Boorama ilaa Lawyo-caddo.
Xubno ka socday Shirkadaha isugu soo hadhay liiska kama-dambaysta ah ee tartanku dhexmari doono oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay fursad weyn u tahay inay tartankan qiimaha leh ka qaybgalaan, isla markaana ay shirkadaha dhexdooda isku bartaan, iyagoo xusay in waddadani noqon doonto mid hawl-bawle ah oo qayb ka qaadan doonta horumarka Gobollada galbeedka iyo isku-xidhka dalalka jaarka la ah dalka Somaliland ee ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya, waxayna xuseen in ilaa hadda mashruucaas looga shaqaynayo si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in waddada isku-xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Lawyo-caddo ay noqon doonto mid faa’iido weyn u yeelata shacbiga Somaliland.
Waxa kaloo uu tilmaamay in shirka ay la yeesheen shirkadan ku tartamaya qandaraaska La-talinta ah lagu falanqeeyey sidii la iskula eegi lahaa dhukumantiyada khuseeya tartankaas iyo qaabka tantanku noqon doono, looguna gudbi lahaa wejiga xiga ee loogu talogalay in shirkad qudha ka soo dhex baxdo lixda shirkadood ee liiskan kama-dambaysta ah ku soo baxay.
"Waxaannu kulan wada-tashi oo muhiim ah isugu nimid Xarunta Wasaaradda 6-da shirkadood ee ku soo baxay tartanka shirkadaha ku tartamaya La-talinta (Consultant) mashruuca dhismaha waddada Lawyacado - Fardaha – Booraama ee uu maalgalinayo Baanka Horumarinta Afrika (African Development Bank). Waxa kulanka igu wehelinayay Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Madaxa Mashruucaas iyo wakiillo ka socday lixdaas shirkadood. Kulanka ka dib waxa nagu soo biiray oo kalmado mahadnaq iyo dardaaran ah madasha ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.
Hadhwanaagnews