Wasiirkii ugu Shaqada iyo Dardarta Badnaa Sanadkan sii Dhamanaya ee 2019 ka.

0
Saturday December 14, 2019 - 18:46:20 in Articles by
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii ugu Shaqada iyo Dardarta Badnaa Sanadkan sii Dhamanaya ee 2019 ka.

    Wasiirkii ugu Shaqada iyo Dardarta Badnaa Sanadkan sii Dhamanaya ee 2019 ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii ugu Shaqada iyo Dardarta Badnaa Sanadkan sii Dhamanaya ee 2019 ka.


Wasiirka Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska waxay door muhiima ugu fadhidaa Qaranka Jamuhuriyada Somaliland waana wasiirka fikir ahaantayada ugu wax-qabad badana uguna dhaqdhaqaaq badan xukumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isagoo u igmaday wasiirkii ugu haboonaa ee wasaarrada soo mara.



   Wasiir Hinda Jaamac Xirsi (Gaani).


Waxaa mudan tahay wasiirkaasi in shahaado sharaf lagu siiyo waxqabadkeeda fiican ee hagrasho la”aanta ah ee bulshadeeda ugu adeegtay iyadoo hadh iyo habeenba aad arkaysid inay u heelan tahay oo marna ka fadhiisanin waxa qaranku u igmadey kana soo baxdey.

Waa wasiir firfircoon ku fiican shaqada una debecsan dadkeeda jilicsan ee ay masuulka ka tahay.

Waxay ka shaqeysiisay dardar gelisay korna u qaadey dhamaan waaxaha Wasaaradeeda iyadoo xidhiidh wada shaqayneed oo dhow la leh masuuliyiinta ay u igmatay waaxaha iyo shaqaalaheeda oo dhan.

Mudadii ay joogtey Marwo Hinda Jamac waxay ku talaabsatey horumar-weyn kana samaysay wasaarada waxayna ku dhiiratey iney daboosho intii karaankeeda ah baahiyaha kala duwan ee bulshada Iyadoo sameysay Maamul daadejin abuurteyna waaxo u adeega bulshada si loo yareeyo baahiyaha waxna loogu qabto dadka reer Somaliland ee Masuulka u tahay.

Waa wasiir nidaamka shaqaalaheeda aan ku qiimayn hab reernimo, qof jeclaysi iwm iyadoo u eegta aqoontiisa shaqsi ahaaneed iyo kartidiisa shaqo.

Anagoo ka mid ah bulshada dhalin yarada aqoon yahanka reer Somaliland Waxaanu nidaamka ay ku shaqeeyan iyo waxay ka qabteen Madaxdii uu u igmadey Madaxweynaha Somaliland.

Ugu horeyna waxaanu Madaxweynaha ugu Hambalyeynaynaa inuu wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyka u dhiibey cidii ku habooneyd (Right Person with the right position) waxaanay ka muuqataa wasaaradda iyo wax u qabadka bulshada anagoo qiimaynayna dhamaan wasaaradaha oo dhan iyo halkay ku liitaan iyo meelaha u baahan in kor loo soo qaado cidaa uu madaxweynahu u igmada waxan kolba bulshada la wadaagi doona Xog rasmiya ee wasaaradaha Somaliland kumana qiimayn doono qabiil iyo qof jeclaysi toona, waana sababtaan an Wasaaradan shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska ugu soo horeysiiney maxaa yeelay waa halka ay hoos tagaan qaybaha bulshadeena oo dhan mudo badan oo an baxdi (research) ku samaynaynay calaa waax kasta waxa noo muuqatay oo markhaati cad oo la taaban karo kuso aragnay isbedelka wax qabad, maamul daadejin ay halkaa ka hir gelisay wasiir Hinda Jaamac Xirsi sanadkan 2019.

Waxaan idinla wadaagi doona wax qabadka fiican ee wasiirka wasaarada shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi ku talaabsatey sanadkan 2019.

Continue …………

 

[email protected]

Hargeisa Somaliland,


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...