Waa nasiib darro weyn in mucaawinadii shacabka Soomaaliyeed ay ku xaraysan yihiin bakhaarada Xamar

"Shacabka Puntland waxay idinku taageerayaan dowlad qaran ahaan, laakiin wax ay idinku haystaan oo taageere ah ma jiraan," ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Puntland iyo dowladda federalka ayaa xilligaan waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay wada shaqayntii labada dhinac, inkastoo todobaadkii hore raysal Wasaare Kheyre uu dalbay in gargaar la gaarsiiyo gobolka Gardafu oo galay xaalad go'doon ah.
Muqdisho(HWN):-Guddoomiyaha gobolka Bari ee dowlad goboleedka
Puntland, Cabdisamad Abwaan ayaa dowladda federalka Soomaaliya ugu baaqay
mucaawinimada lagu bixiyo magaca ummadda Soomaaliyeed in dalka oo dhan la gaadhsiiyo
loona qeybiyo dadka u baahan ee nugul.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la
iskula xisaabtamidoono in gargaarkii shacabka Soomaaliya loogu talo galay ay ku
xaraysan yihiin bakhaaro Xamar kuyaala islamarkaana dowladda federalka aysan
ogolayn in la gaarsiiyo dowlad goboleedyada. waa sida uu hadalka u yidhi.
"Shacabka Puntland waxay idinku taageerayaan dowlad qaran ahaan, laakiin wax ay idinku haystaan oo taageere ah ma jiraan," ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Puntland iyo dowladda federalka ayaa xilligaan waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay wada shaqayntii labada dhinac, inkastoo todobaadkii hore raysal Wasaare Kheyre uu dalbay in gargaar la gaarsiiyo gobolka Gardafu oo galay xaalad go'doon ah.
Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...