Muxuu Yahay Han Siyaasadeed....W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud

0
Saturday December 14, 2019 - 15:00:59 in Articles by
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Han Siyaasadeed....W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud

    Muxuu Yahay Han Siyaasadeed....W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Yahay Han Siyaasadeed....W/Q Mohamed O. Hagi Mohamoud


"Political Ambition” erayga han siyaasadeed Soomaalidu si qaldan ayey adeegsigiisa u fahamtay. La is ma wayddiin hanka siyaasaddu hanka kale ee rabista meel sare ama gaadhista iyo hiigsashada nolol wanaagsan waxa uu kaga duwan yahay.

Natiijada sawirka maxamed hagi


Qofku in uu han iyo doonis yeesho waa wax wanaagsan. In se uu qofku han siyaasadeed yeeshaa waxa ay aad u ga duwan tahay hanka kale ee nolosha. Waayo hanka siyaasaddu waa masuuliyaddii ummadda oo aad tunka saaratay. Ummadaha kale ee adduunyada ku nool waxa han siyaasadeed yeesha qof leh kartideeda, aqoonteeda, waayo-aragnimadeeda iyo aragti fog oo hoggaamineed.


Qofka hanka siyaasadda yeelanayaa waa in uu saddex sifo leeyahay marka la ga tago in uu leeyahay aqoon maaddi ah oo sare. Marka hore waa in uu noqdo qof aqoon fiican oo sare u leh dawladnimada. Waa in uu siyaasadda in muddo ah ku soo shaqeeyey oo aanu noqon jug soo dhacay. Waa in uu noqdo qof hal-abuur fiican iyo aragti hoggaamineed wata. Qofka Sidaas ah ayuu hanka siyaasaddu sax ku yahay.


Soomaalida kii aad aragtaaba waxa uu rabaa in uu han siyaasadeed lahaanshaheeda kuu sheegto. Hanka siyaasaddu waxa uu la mid yahay hanka dhakhtarka. Si aad dhakhtar u noqoto waa in cilmigeeda iyo shaqada caafimaadka aad waayo-aragnimo fiican u leedahay. Haddii kale naf ma madbaadin karti. Si aad ummad u hoggaamiso iyana waxa ay kaa ga baahan tahay xirfad sare, waayo-aragnimo iyo aqoon. Haddii kale dal iyo dadba oodda ayaad u rogi.


Mohamed O. Hagi Mohamoud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...