Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Wajiga Labaad Ee Manhajka Dugsiyada Dalka+Sawiro

0
Saturday December 14, 2019 - 14:11:26 in News by
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Wajiga Labaad Ee Manhajka Dugsiyada Dalka+Sawiro

    Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Wajiga Labaad Ee Manhajka Dugsiyada Dalka+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Wajiga Labaad Ee Manhajka Dugsiyada Dalka+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna.

Image may contain: 10 people, people smiling, people sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoor
Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, wedding, child and indoor

Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyeyin ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka.


Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan.


"Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.”

Image may contain: 4 people, people smiling, suit
Image may contain: 3 people, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 8 people

Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna.

Image may contain: 4 people, people standing and suit
Image may contain: 28 people, people smiling, people sitting and indoor
Image may contain: 4 people, people standing and suit
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan.

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing
Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, wedding, child and indoor
Image may contain: 2 people


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka.



DHAMMAAD

Loading...
Loading...