Shimbirihii Daacadda ahaa iyo Diinkii Khiyaanoolaha ahaa...W/Q Cumar C. Seeraar

0
Saturday December 14, 2019 - 14:08:12 in Articles by
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shimbirihii Daacadda ahaa iyo Diinkii Khiyaanoolaha ahaa...W/Q Cumar C. Seeraar

    Shimbirihii Daacadda ahaa iyo Diinkii Khiyaanoolaha ahaa...W/Q Cumar C. Seeraar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shimbirihii Daacadda ahaa iyo Diinkii Khiyaanoolaha ahaa...W/Q Cumar C. Seeraar


Muddo 60 sanadood ah qorayaasha Africa waxa hoggaanka u hayey qoraagii Reer Nigeria ee Chinua Achebe. 1958kii ayuu soo saaray Novel-kiisii ugu horreeyey ee laga daba dhaco ee Things Fall Apart, oo lagu turjumay boqolaal luqadood, Libraryada dunidana badankooda la dhigay. Waa Novel aanad ka xiise goynayn oo bogba bog kuu dhiibayo.

Image may contain: 1 person, smiling


Markaan arkay sida maalinba qof bila macno ah Muuse uga hadalsiinyo si uu Xaashi ugu garaaco ayaan xusuustay qisadii Diinkii Khiyaanoolaha ahaa iyo Shimbirihii Daacadda ahaa: (the cunning tortoise and the faithful birds) ee ku qornaa Buuggaas Achebe ee Things Fall Apart. Xaashi iyo dhawr qof oo kale ayey ahayeen kuwii waddo saxa iyo mid khaldanba maray sidii ay Muuse Madaxwayne uga dhigi lahayeen!.


Qisada, Ekwefi ayaa uga sheekaynaysa inanteeda Ezinma, waxaanay ku bilaabaysaa:
Xayawaanka Diinka (Diin-Diinka) la yidhaahdo oo busaaradsaday muddo dheerna afkiisa aan wax gelin ayaa maqlay Shimbirihii degaanka kula noolaa oo u diyaar garoobaya casuumad loogu sameeyey Daruuraha dushooda. Diinkani wuxu caan ku ahaa tabbaaska, xuuraanka iyo war raadiska, abidkiina shar moojaane khayr kama shaqayn. Markii uu maqlay casuumaddii Cirka wuxu ku fikiray in uu ka qayb-galo.Laakiin, shimbirihii Daacadda ahaa way diideen in ay la’ rafiiqaan Diinka Khaainka ah.


Waxay ku yidhaahdeen horta baalal ma lihid oo ma duuli kartid, mar labaadkana Diinow waxanu kugu naqaan khiyaamo iyo abaal-dhac sidaa darteed nama raacaysid ayay si cad ugu sheegeen shimbirihii Diinkii makriga badnaa.


Maya maya, dhaqankii hore waan beddelay, waxan ka noqday xalay-dhalay ayuu yidhi Diinkii Khaainka ahaa. Waxan kale oo ogaaday buu yidhi Diin-Diinkii in qofka wax khiyaameeyaa uu isagu uun is khiyaameeyey oo aanu weligii liibaanin.


Diinkii maaddaama baahi badani haysay oo xaalkiisu ahaa (Now or Never) baryadii ma joojin, qaar kamid ah shimbirihii oo Parrot ka iyo Guuguuluhu kow ka yihiin ayaa u diir naxay. Shimbir kastaaba waxay siisay Hal-baal, waxaanu yeeshay in ka badan 300 oo Baal oo uu ku duuli karo.
Way duuleen, Diinkii waa faraxsan yahay, ma filayn noloshiisa in uu maalin uun duuli doono. Laakiin Diinku ma laha sumcad wanaagsan, xitaa uunka samada joogaa magaciisa waa ka sasayaan; sidaa darteed intii hawada lagu sii jirey shimbirihii wuxu ku qanciyey in magaca laga beddelo, Wuxu la baxay ‘All of You’ oo la’ macno ah Dhammaantiin.


Waxay sii duulaan ba Cirkii bay tageen, Casuumaddii ayaa la keenay, waa casuumad aan iyada oo kale hore loo samayn. "yaa ugu talo gasheen buu yidhi diinkii?". Marti geliyayaashii waxay yidhaahdeen; "All of You" waxanu ugu talo galnay Dhammaantiin. Waad mahadsan tihiin buu yidhi, shimbirihii waxay u qaateen in isaga loogu talo galay maaddaama magaciisii cusbaa ee (All of you) loogu yeedhay. Diinkii show gaajo xun baa haysayoo waxba uma hambayn shimbirihii. Xitaa lafihii ay feenan lahaayeen isagaa ruugay.


Qadoodi iyo ciil bay la soo laabteen shimbirihii, laakiin xanaaqii mid waliba baalkeedii bay ka soo qaadatay Diinkii Abaal-laawaha ahaa.


Diinkii ayaa isaga oo bilaa baalal ah samada lagaga soo dhaqaaqay. Ugu dambaynta sheekada Ekwefi iyo inanteeda Ezinma waxay ku soo dhammaanaysaa Diinkii oo caalwaa ah, oo meel uu u ciirsado la’ dabadeedna cirka iska soo tuuraya!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...