Ciro Iyo Faysal Oo Go'aan Isku Mid Ah Ka Qaatay Dalab Uga Yimid Muuse Biixi

0
Saturday December 14, 2019 - 13:58:03 in News by
  • Visits: 6137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciro Iyo Faysal Oo Go'aan Isku Mid Ah Ka Qaatay Dalab Uga Yimid Muuse Biixi

    Ciro Iyo Faysal Oo Go'aan Isku Mid Ah Ka Qaatay Dalab Uga Yimid Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciro Iyo Faysal Oo Go'aan Isku Mid Ah Ka Qaatay Dalab Uga Yimid Muuse Biixi


Cirro iyo Faysal guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa ku gacan-saydhay madaxweyne Biixi oo dalbaday in ay kulan la qaataan.




Sida uu ku warramay wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa waxa uu madaxweyne Biixi qoraal rasmi ah u diray labada hoggaamiye ee mucaaradka kaas oo uu kaga dalbaday in ay maanta sagaalka Subaxnimo ka soo qayb galaan kulan uu kula yeesho Madaxtooyada.


Madaxweynaha ayaa kulanka ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka ka dhashay Guddida Doorashooyinka iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka laakiin, waxa kulankaasi diiday Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Cirro iyo Faysal.


Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la filayo in wefti culus oo ka socda dalalka doorashooyinka taageera imanayaan magaalada Hargeysa. Dalalkan ayaa hore u soo saaray qoraal adag oo ay kaga hadlayaan khilaafka madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.


Wali waxa indhaha lagu hayaa guddida dhexdhexaadinta oo ku hawlan isu soo dhawaynta dhinacyada inkasta oo loo arko in madaxweyne Biixi ka cago jiidayo in guddidaasi xalliso arrimaha la isku mari la yahay.



Loading...
Loading...