Soomaalida Iyo Waqtiyadeeda:

0
Saturday December 14, 2019 - 08:28:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Waqtiyadeeda:

    Soomaalidu waxay leedahay ayaamo todobo ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu waxay leedahay ayaamo todobo ah,
oo lamid ah ayaamaha ay leeyihiin dadyowga kale ee dunida inagula nooli. 

Inta badan dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqan, suugaan, diin u gaar ah oo ay ka duwan yihiin dadyowga kale ee dunida.



Baryahan dambe dadkeenii waxay ka tageen dhaqankoodii, sharaftoodii, dadnimadoodii iyo wixii ay lahaayeen ee ay ku waayo hore ku faani jireen.


Sida aynu ka dhaxalnay awoowyadeen iyo dadkeenii somaliyeed ee hore waxaynu lahayn ayaamo todobo ah kaas oo aynu kaga duwanayn kuwa carabta iyo kuwa kale ee engriiska ah.


Baro oo bar dadkaaga kuweena aynu leenahay ee aan halkan idiin kusoo guurin doono, anigoo baadidoonka iyo soo ururinta qaybaha dhaqankeena uu igaga baxay waqti aad u badan laakiin adiga guro midho laguu diyaarshay oo ku gaajo bax kagana maaran kuwa aad manta aad adeegsato.

AYAAMAHA TODOBAADKA EE SOMAALIDA:

·       Soorogo                              sabti

·       Koobin                                 axad

·       Laabin                                 isniin

·       Laabtako                            salaasa

·       Koodaar                            arbaca

·       Hakis                                   khamiis

·       Hakis billa                             jimce

BILLAHA SOOMAALIDA:

Hadaba sidaan marwalba soo sheego soomalidu waxay leedahay dhaqan dhamaystiran oo ay ku dhanyihiin waxkasta oo ay umadi leedahay iminkana waxaan idiin soo gudbinyaa 12bilood ee sanadka ee soomalida waxaanay kala yihiin sidan:

·       Seermawaydo

·       Cawl

·       Dirir sagaala

·       Samalaho

·       Karan

·       Waranweer

·       Dambarsame

·       Dayr halalood

·       Dayr gudban

·       Todob

·       Xays

·       Diraac

10.3: AFARTA XILI EE SANADA EE SOOMALIDA:

Sidoo kale soomaali waxay leedahay 4 xili oo 2 kamid ahi uu roobku u da’o, laba kalana ay abaar tahay sida alle looga bartay.

 Labada xili ee roobku da’o waa xiliga guga iyo deyrta labada xilli ee abaarta tahayna waa xagaaga iyo jiilaalkahadaba 12bilood ee soomalidu xili waliba waxa uu ka kooban yahay sadex bilood waana sidan:

·       Bilaha guga: (seermawaydo, cawl iyo dirir sagaala)

·       Bilaha xagaaga: (samalaho, karan, waranweer)

·       Bilaha deyrta: (dambarsame, dayr halalood, dayr gudban)

·       Bilaha jiilaalka:  (todob, xays, diraac).

Waxa sidoo kale jiray jiray magacyo soomalidii hore u taqaaay 12bilood ee islaamka ee hijriyada kuwaas oo kala ahaa sidan:

 

MAGACYADA SOOMALIDU U TAQAANAY & BILAHA ISLAAMKA:

·       Seko                                                       muxaram

·       Safar                                                       safar

·       Bilmawliid                                            rabiicul awal

·       Rajal hore                                             rabiicu saani

·       Rajal dhexe                                           jamaadul awal

·       Rajal dambe                                           jamaadul aakhir

·       Sabuux                                                    rajab

·       Waabariis                                              shabcaan

·       Soon                                                        ramadaan

·       Soonfur                                        shuwaal

·       Sidataal                                        dulqacdah

·       Carrafo                                         dulxaj.

10.5: SOMAALIDA IYO WAQTIYADA SOCODKA

Sidaan marwalba qoraalkaygan aan idiin kusoo gudbinayey soomalidu waxay lahayd dhaqan dhamaystiran oo dhan kasta ka dhamaystiran soomalidu waxay isticmaali jirtay ereyo kala duwan xaga socodka waxaana kamid ahaa:


Kalaho: waa socodka aroornimada hore lasocdo waxa uu lamid yahay ereyada jarmaado ama wirwir.


Dhalandhool: waa socodka la socdo xili kulul oo duhurkiiya waxaana layidhaahdaa hebel wuu dhalandhoolay.


Galab carroow: waa socodka galinka dambe gaar ahaan casarka ama maqrib kudhawaadka waxaana layidhaa hebel wuu caraabay ama wuu gallab caraabay i.w.m.


Guure: waa socodka habeenkii oo waliba xiliyada dhexe ee habeenkii waxana layidhaahdaa hebel wuu guureeyey.


Waxa qorey: cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish)

[email protected]    Ama  0634240189

Loading...
Loading...